Al-Minhaaj oo in ka badan 600 oo qoys oo danyar ah u qaybisay Raashin.[Masawiro]

July 2, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-07-01-20h28m09s205Garoowe:-Waxaa maantay Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal  oo gacan ka helaysa  Hay’adda Khayriga ee  Cumaan Jaaranti oo laga leeyahay Wadanka Cumaan ay u qaybiyeen raashin dad gaaaya 600 oo qoys kuwaas oo ah dad danyar ah waxaana laga soo xulay  Xaafadaha magaalada Garoowe iyo Xarumaha Barakacyaasha  ee duleedka Garoowe.

Ma ahan tantii ugu horaysay balse waxaa Mu’asasadu horay ugu qaybisay dad gaaraya ilaa 676 qoy  kuwaas oo dhamaan ahaa kuwa aan haysan waxay ku afuraaan Tanina waxay jaanis u tahay dad kale oo iyana aan heli karin wax ku filan .

Waxaa goobta raashinka lagu qaybinayay kahadlay Gudoomiyaha Guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland Maxamed Cabdullahi Cabdille  waxaana ugu mahadceliyay Hay’adda Khayriga ee Cumaan Jaaranti waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sidda wanaagsan ee  howshaan iskugu soo xil qaameen.

Sidoo kale waxaa isna Goobta ka hadlay Wasiirka Cadaalada Dowlada Puntland  Saalax Xabiib Xaaji Jaamac waxaana uu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay Waftigaan iyo Dowladda Cumaan ee aan walaalaha nahay  waxaana isagoo ku hadlaya magaca Dowlada Puntland uu gacmo furan ugu soo dhaweeyay Gudaha Puntaland .

Ugu Danbayntii waxaa Isna dhankiisa ka hadlay Maxamed Al-wahaabi oo ka socday Hayada Khayrigaa ee Cumaan Jaaranti waxaana oo sheegay in ay deeqdaani tahay tii Koowaad balse aysan ahaan doonin tii ugu danbaysay ee in badan aan ku soo laaban doono dhulka Puntland waxaana uu ka mahadceliyay Sidda wanaagsan ee Dowladda iyo shacab u soo dhaweeyeen.

no images were found

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia .

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online