Axmed Cabdisalan “Dowladda Federaalka hagar-daameyn ayey ku heysaa ololaheyga Madaxtinimo”

July 1, 2015 - Written by Editor

timthumbCadaado:-Musharaxa xilka Madaxweyne ee Dowlad Gobolleedka Gal-mudug Axmed Cabdislaan Xaaji Aadan ayaa ka hadlay hagar-daameyn dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso olalahiisa ku aadan xilka Madaxtinimadda Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Ambassador Axmed Cabdisalan ayaa sheegay in maanta loo diiday in garoonka Muqdisho uu ka soo duulo Maxamed Daahir Guuleed oo ku soo jeeday magaaladda Cadaado si uu uga qeyb galo ololaha xooga leh ee Musharax Axmed Cabdisalaam ka wado Cadaado.

” Maxamed Daahir wuxuu ka mid yahay dadka Ololaheeyga horseedka ah, maanta ayaa ciidamadda Nabad Sugidda u diideen inuu Airport-ka Muqdisho ka soo duulo, waxaa lagu wargeliyey inuusan Cadaado aadi karin isaga oo aanan lagu eedeeyn sabab kale oo aan ka ahayn inuu ololaheeyga ka shaqeeyo” ayuu yiri Axmed Cabdisalaan.

Sidoo kale Axmed Cabdisalaan ayaa sheegay in horrey dowladda Federaalka sidaan oo kale xanibaad u saartay Madaxa Warfaafinta Olalahiisa Musharaxnimo Cali Yare Cali ka dibna xabsi dhigatay muddo labo Todobaad ahna u xiran isagoo aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn, maxakamadna la soo taagin.

Musharax Axmed Cabdisalaan ayaa yiri ” Intaasi waxaa sii dheer in Dowladda fera-gelin ay ku wado dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe ee ka socda Cadaado, dad aanan Odayaashooda soo qorin ayaa Xidhibaanada laga dhigay, qofkii xaqa u lahaana banaanka la dhigay, waxyalahaas iyo kuwa kaleba Dowladda waxa ay ugu hiilineysaa shaqsi mushraxiinta ka mid ah, waxaan lee-yahay sidaan dowladnimadda uma fiicna”

Ugu dambeyn, Musharax Axamed Cabdislaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si deg deg xanibaada uga qaado Maxamed Daaahir islamaraana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso Cali Yare Cali, faragelintana ay ka deeyso dhismaha Maamulka Gobolladda Dhexe.

Dhammaad

Abdifatah abdinur

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online