Baaq Nabadeed oo dirayaan Culimad Laascaanood iyo beelaha dega Dharkayn ee Gobolka Sool.

July 29, 2015 - Written by Editor

DSC_0181Laascaanood:-Waxaa saaka aroortii hore Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka dhacay kulan laga soo saaray baaq nabadeed kaas oo ay dirayaan dhamaan culimada iyo odoyaal iyo waxgaradka ,Gobolka Sool. Waxaa baaqan si wada jira udiraya culimada waxgaradka labada beelood ee daga magaalada Dharkayn ee Gobolka Sool ee dhibku dhexmaray dhawaantan waxana ay si wadajira ogahadleen xaalada halkaas oo ay ay baaqa u soo jeedinayaan dadka halkaas daga gaar ahaan Culimada labada beelood ayaa waxa ay ilaahay ogabaryeen in ilaah umada ka qabto qofka colaadaas shidaya.

Waxana ay bulshada deegaandan ugu baaqeen in loo istaago siddii xal waara looga gaadhilahaa dhibka halkaas ka taagan ee maalinkasta soo noqda, gaar ahaan waxa aan leenahay haloo gurmado beelaha walaaha ah ee maalinkasta maatida ay qixinayaan dad wax magarato ah,waxaanu leenahay waar illaahay kacabsada oo dhiiga aad xaqdarada ku daadinaysaan Joojiya waar dhibkii dhacay yaan dhib lagu darin illaahow adigaa Cadilee qofkii colaadaas kaqayb qaata bulshada dhibaya ka soo qabo,
Geesta kale waxaa halkaas kahadlay odoyada gobolka sool qaar kamida Culimo ganacsato waxana ay sheegeen in nasiibdaro ay tahay dhibka halkaas kataagan ee ay wadaan dad aan maankooda iyo aqligoodu ku filnayn,waxaan laqabnaa ayay dheheen Culimada beelahaas iyo odoyada reer dharkayn ee halkan kahadlay in dhibkaas la joojiyo oo laxakameeyo ruuxa dhibka wada oo la qabto.

Colaad wiilbaa ku dhinta ee wiilkuma shasho waxaan odhanlahayn hala koco oo haloogurmado beelahaas walaha ah ee aan kulatagayn ceel,baraag,daaqsin deegaan Ehelnimo,waar abti iyo walaal iyo xidid ayaad tihiin waar ilaahay ka baqa oo joojiya Colaada oo waliba waxaan sigaara u lahadlaynaa dadka aan halkaas joogin waxaan leenahay hadaad dibad joogto iyo hadaad dalka joogto ka qayb qaado nabada waxana muhiim ah in aad ka shaqaysaan nabada.

no images were found

Abdikariim Olol
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online