Culimada iyo gudiga gurmad qaxootiga Yemen oo mar kale qaxooti gaaraya 300 oo qof  degaanadoodii u ambabixiyey.[Masawiro]

July 5, 2015 - Written by Editor

IMG_5582Boosaaso:-Culimada iyo Gurdiga gurmadka qaxootiga yemen ee Puntland  ayaa galabtay  raray qaxooti gaaraya 300 oo qof , waxaana dadkani ku  wajahan yihiin  koonfurta Soomaaliya gaar ahaan muqdisho Dadkaan qaxootiga ah ayaa waxay kamid ahaayeen, qaxooti gaaraya 3502 qof oo soo gaaray maagalada boosaaso galabnimadii khamiista lasoo dhaafay ku waasoo kasoo cararay dagaalada yemen ka aloosan .

Dhaqaalaha lagu ambabixiyey dadkaan qaxootiga ah ayaa wax uu qayb ka yahay lacagiihii shirkadaha iyo bulshada soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen culimada iyo gudiga gurmadka  si gaar ah lacagta maanta lagu rarayo qaxootigan ayaa qayb ka ah  lacagihii ay bixiyeen jihooyinka ka ah :,Beesha Wabeeneye, jaaliyada soomaaliyeed ee saldanada cumaan , gudiga badbaadada qaxootiga soomaaliyeed ee magaalad Muqdisho , dadweynaha soomaaliyeed  ee gudaha iyo dibada dalka  iyo ha’yada Haro .

Qaxootigaan ay culimadu iyo gudiga gurmadku ambaxiyeen  ayaa waxaa lagu raray 15 bas waxaana qof walba lagu lasiiyey lacag gaaraysa $120(boqol iyo labaatan doolar ) oo kaash ah.

Shir jaraa’id oo markii dadkaas la rarayey  lagu qabtay xarunta ay ku jiraan qaxootiga kasoo cararay dalka yemen ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Sh Daahir aw cabdi oo kamid ah culimada soomaaliyeed kuwa ugu caansan  isagoo u mahad celiaya Dawlada Puntland , Ganaacsatada, shacabka Puntland iyo walalaha soomaaliyeed ee dibada ka soo gurmanaayay.

Sheekha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in galabta ambabixinaynaa 15 bas oo sida 300 qof oo qaxooti ah ,qof walba oo kamid ah dadkaasna waxaan gacanta uga dhiibnay lacag dhan $120 dollar ,waxayna ku wajahan yihiin dadkaani muqdisho.

gudoomiyada gudiga gurmadka qaxootiga yemen sheikh Axmed yuusuf daad oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in maanta ay rarayaan qaxooti gaaraya 300 qof dadkaas oo loo ambabixinaya koofurta Soomaaliya gaar ahaan muqdisho .

gudoomiyada ayaa sheegay  in kharash ay ku rarayaan dadkan uu qayb ka yahay lacagihii ay gudiga iyo culimada soo gaarsiiyeen shirkada iyo bulshada Soomaaliyeed .

Ugu danbahn tii waxaa gabagabdii munaasabada ka hadlay Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha  ee Puntland c/laahi xaashi (qoobdeero) isagoo  u mahad celiyey culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga howsha ay u hayaan bulshada iyo walalahooda qaxootiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in kaalin mugleh ka qaataan u gurmadka dadka qaxootiga ah ee soomaaliyeed isagoo tilmaamay in aan wali kaalintii laga filayey Dowlada iyo gudiga qaxootiga ee Muqdisho aan wali laga hayn.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online