Danjire Mahamed Abdi Afey oo BBC-da ay waraystay.[Dhagayso]

July 5, 2015 - Written by Editor

afeyNairobi:-Safiirka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha dalka Soomaalia Mahamed Abdi Afey oo waraysi uu siiyey idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaliga waxaa uu ka waramay doorashadii shalay ka dacaday degmada Cadaado ee madaxweynaha maamulka Gal-Mudug loogu doortay Abdikariim Xuseen Guuleed.

Danjire Afey ayaa soo dhaweeyey xilka Madaxweyne nimo ee loo doortay Abdikariim Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa isagoo xusay in ay doorashada ay kor kala socdeen balse ay doorashadu ay hogaami naysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Afey oo wax laga wiidiiyey khilaafka jira iyo arrimaha horyaal hogaanka cusub ee Gal-Mudug ayaa waxaa uu xusay in loo baahan yahay in ay wada hadal la firaan Ahlusunaha oo uu sheegay in ay tahay awood jirta halka uu sheegay in arrinta Puntland ay horay talaabo ugu qaadeen muhiina ay tahay in la fuliyo hishiiskii Ra’iisul wasaare Abdiweli iyo Puntland ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe oo aan runtii rabno in heshiisyadaas la taaba geliyo, la ixtiraamo, laguna dhaqmo.

Hoos ka Dhagayso Waraysigii BBC-da ay la yeelatay Danjire Afey

[audio: http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2015/07/igad_reax_afey_150704_galmudug_reax_au_bb.mp3]

Source:BBC

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online