Dastuurka Maamul Gal-Mudug oo laga badalay qodob lagu muransanaa

July 27, 2015 - Written by Editor

Cali-Gacal-CaasirCadaado:-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan ay isugu yimaadeen maanta waxay wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah Dastuurka maamulka Galmudug kaasoo qeexayay xuduuda maamulkaas inuu yahay Gobolka Nugaal kaas oo keenay khilaaf ka dhex aloosma DFS iyo Puntland.

Gudoonka Baarlamanka Galmudug oo saxaafada kula hadlay Degmada Cadaado ayaa yir“Waxaa laga doodayay qodaob ka mid ah dastuurka Galmudug kaas oo ahaa qodobka labaad farqadiisa afaraad oo ku saabsan xuduudka dowlad goboleedka Galmudug inay markii hore ay aheyd Gobolka Nugaal, haatan waxaa lagu bedelay xuduuda inay tahay dhanka waqooyi ee dowladda Puntland”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Tallaabada ay qaadeen maanta Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay u muuqtaa mid yareyn doonta khilaafka ka dhexaloosan DFS ,Galmudug iyo dowlada Puntland oo si adag uga soo horjeeda Maamulka loo sameeyey gobalada dhexe iyaga ku doodaya in uusan dhameyn laba gobal iyo wax ka badan.

Dastuurka Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu ansaxiyey Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaana madaxweyne loo doortay Cabdi Kariim Guuleed mudo 4 sano ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa horay u sheegay in hadii xuduuda Maamulka Galmudug uu yahay Gobolka Nugaal, ay Xuduuda Puntland ay noqoneyso Guriceel iyo Godinlabe taas sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Maamulada ka sameysmaya dalka.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii la doortay sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Maamulka Puntland, si wadahadal loogu dhameeyo khilaafka loona xoojiyo amaanka iyo daris wanaaga

Isbedelka ay Maamulka Galmudug ku sameeyeen maanta Dastuurkooda ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili madaxada DFS ay shaaciyeen in Shir caalami ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho kaas oo ay ka soo wada lagu wada casumay Maamul gobaleedyada ,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online