DFS oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye.

July 26, 2015 - Written by Editor

Muqdisho3Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Roble Olhaye oo 22 July 2015 ku geeri yooday dalka Mareykanka , isagoo ahaa Ergeyga Dowladda Djibouti u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York iyo Danjiraha u fadhiya Magaalada Washington .

Marxuum Roble Olhaye oo ka mid ahaa Safiirada khibradda dheer ee dalkaasi Djibouti ayaa lagu xasuustaa kaalintiisa muuqata ee uu ka qaatay xal u raadinta wadamo qalalaase siyaasadeed iyo ammaan uu ka jiray oo ay ka mid tahay Haiti .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , eheladdiisa iyo asxaabtiisana Sabar iyo Iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online