Gabay Difaaca culimada Soomaaliyeed Abwaan Axmed Dhogor.[Dhagayso]

July 26, 2015 - Written by Editor

AhmeddhogorGabaygan waxuu Rabbi igu ilhaamiyay inaan curiyo 2011 kii ayaantii la dilay Sh Dr Axmed Xaaji Abdiraxmaan iyo Aabihii dacwada Al.waalid Sh Cabdiqaadir Nuur Faarax Alle ha u naxariisto iyaga iyo kuwii ka horeeyayba waxaana socday olole aad u xoog badan oo ka dhan ah culumada Soomaaliyeed oo uu waday ururka Al-shabaab waxaana Arinkaas sabab u ahaa go`aan iyo ujeedo guracan oo ka soo baxayay maskax si khaldan u fikirtay.

Waxaana loo qaybiyay culumadii mid dil lagu fuliyay iyo mid xumaan dusha lagaga miisay ay oo bari ay ka yihiin wax uuna gabaygani ku yimid dareen murugo iyo xanuun badan. Gabayga qaybtiisa hore wax uu u dhacayaa sidda maxkamad oo kale oo aan u kala gar qaadayo culumada iyo midka culumo iska yeelka ah ee intuu gadhwayn la baxay cumaamadna gab isku siiyay aan ogaynba cilmigu inuu barasho yahay iyo Alle ka cabsi ee u caytamaya si ka baxsan ilbaxnimada islaamka.

Waxaa kale oo aan gabayga ku cabirayaa iney dadwaynuhu makhraati ka yihiin cida Abaal ku leh ee ay ka barteen sidda loo islaaxiyo Aakhiradooda iyo aduunkooda waa marka aan leeyahay waa Su`aal dhigane aniga oo dadka waydiinaya bal iney simanyihiin caalimka iyo caalim iska yeelku.

Dhabqis: Waa ninka aan lahayn Awood cilmi garasho dheer waaqicana wuuba ka indho la`yahay lakiin wax uu xariif ku yahay inuu culumada ka daba shaqeeyo garab ordo oo uu haleeyo wax kasta oo ay hagaajiyaan, injineerku waa ninka yaqaan sidda wax loo dhiso ee ma aha kan yaqaan sida wax loo dumiyo oo kaliya.

Dhan saar, Waa ninka haddii la isugu badhxo xaqa iyo baadilka aan kala saari karin. Isagana waxaan ku waanin hayaa inuuna ka daba ilmayn cid kasta oo durbaan u garaacda, waxaa kale oo uu gabaygu ina tusayaa wax qabadka aan makhraatiga ka nahay iney gayiga soomaaliyeed guri iyo geed walba ay dacwada gaarsiiyeen iyo inuu Alle innagu caymiyay xilligii burburka dal iyo dibadba.

Waxaa kale oo gabaygu sheegayaa in culimada Soomaaliyeed ay mar walba ka shaqeeyaan badbaadadeena iyo sidaan u badhaadhi lahayn haddaba Su`aal caam ah ayaan soomaalida waydiinayaa bal intaad google gashaan ama YouTube qofkii ii keena hal cajal oo ay duubeen dadkaas culumada isha farta ka galinaya ama Arbaciin ay fasireen Abaal gud ayaan bixinayaa.
Alle ha barakeeyo oo ha xifdiyo culumadeena ma tiro badna lakiin waxay ku tayaysan yihiin cilmi iyo Alle ka cabsi taasna waxaa daliila u ah war dhafoor buu ku yaalaaye sidda ay nicmada diintu uga muuqato ummadeena soomaaliyeed ciyaal iyo cirroolaba, hadaba.

CODSI DHANKA CULUMADA

Culumo waxaan idinka codsanayaa inaad isku hawshaan sidaad u soo saari lahaydeen jiil cilmiga idinka dhaxla ee qarnigan cusub hogaanka cilmiga u qaban lahaa ummada.

DARDAARAN

1-ALLAAH Ayaan rumaynay waxa aan diinta u baranayno u difaacayno ujeedadu waa inaan issaga ku raali galino haddaba aan iska ilaalino inaan talaabo khaldan ku qaadno wadada shaydaanka innagoon is ogayn si aynaan u kasban cadhada Alle, Alloow Naxariistaada na huwi oo hanuun noo hibee Aamiin.

Hoos ka Dhagayso Dhabqiskiye Dhansaarkaan Rabaa iney Dhagaystaane Abwaan Ahmed Dhogor

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/jp4q8t644k/GabayAbwaan_Ahmed.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Abwaan Axmed Dhogor

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online