Heerarka qabyaaladda (hooyo masaajidka tolkay i geeya, idinkuna kan tolkiin aada!!!).  

July 3, 2015 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadGaroowe:-Qabyaaladdu iyada oo xun ayay sii kala liidataa. Iyada oo foolxun qof kasta oo ku dhaqma ayay ku sii kala fool xuntahay dadka. Tusaale ahaan qabyaaladda ay falaan sheekha, aqoonyahanka iyo qofka qiimaha leh way ka foolxuntahay tan caamada iyo dadka hoose ku kacaan.

 Dabcan in muslimiintu is qabyaaladeeyaan way liidataa laakiin in qaraabadu is qabyaaladayso ama culimadu is qabyaaladayso ama hoggaanka ummaddu is qabyaaladeeyaan foolxumo dheeraad ah ayaa ku jirta.

 Ninkii ii waramay wuxuu yiri: tolka ayaa masaajid wada dhistay. Ka dib waa la is khilaafay, aakhirkiina jifo ayaa gooni u baxday oo masjid u gaara samaysatay. Arrintaas waxay keentay loolan iyo is fogayn tolkii ka dhex dhacday ilaa ay gaartey in hooyo iyo gabdheheedu gaari wada qaataan oo hooyadii ku tiraahdo aniga masjidkayagii i geeya, idinkuna masjidkiina aada!.

 Waxaa aad ii xanuujiyey dadka sharkaan horseedka ka noqday oo hooyada iyo ilmeheeda kala geeyey. Waxaa ka sii daran in hooyada ficiladu la gaarto in iyada iyo ilmeheedu kala abtirsadaan, waxaase ka sii xanuun badan in gabdheheedu garan waayaan inay dhahaan: hooyo masjidka aad jeceshahay ee abtiyaashay ayaan kugula tukanaynaa, tolka aad sheegaysidna adigaa nooga dhow oo nooga xaq badan.

 Qabyaaladda inay miyi iyo caamo jaahiliin ah kaliya ka timaado ayaa loo malayn jirey laakiin waxaa la ogaaday in aan heerarka bulshadeenu u kala harin qabyaaladda: madax iyo majo, culimo iyo caamo, miyi iyo magaalo. Ogow meesha qisadani ka dhacday maaha miyi iyo tuulo, mana aha gudaha dalkeena ee waa dhulalkii dadkeenu u qexeen ee reer galbeedka! oo loo filayey ilbaxnimada iyo aqoonta adduun.

 Waxaaba la yiri: qabyaaladda suudhka xiran ee mobile-ka iyo laptop-ka wadata ayaa ka xoog badan, kana xeeldheer tii soo jireenka ahayd ee ceelasha biyaha iyo daaqa lugu loolami jirey.

 Gabagabadii waa jirro muddo dheer dadkeena naafaysay oo dilootay laakiin ha quusan; waayo qabyaaladdu waa cudur daawo leh, una baahan dhakhaatiir daacad ah oo aqoon leh, dawada saxda ahna dadkooda ku dabiiba, Ilaahayna barya oo la kaashada.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online