Kulan-weynihii 2aad ee Walaalaynta oo magaalada Hargaysa ku soo Gabagaboobay.‏[Masawiro]

July 28, 2015 - Written by Editor

kulan waynihii walaalaynta ee HargaysaHargeysa:-Waxaa 21/7/2015 Maalinimo talaada ah ku soo gabagaboobey magaalada Hargaysa ee caasimadda S/land kulan waynihii 2aad ee Walaalaynta oo ay soo qaban qaabiyeen Dalladda Ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, waxaana marti galiyay Raabidada Ardayda ka baxay machadka Al-Dacwa ee Hargeysa.

Kulan waynaha waxaa ka soo qeyb galay afar urur oo kala ahaa Raabidada Ardayda ka baxay machadka Zaylac ee Boorame, Multaqaha Shaafici ee Ardayda ka baxay machadka Shaafici ee Burco, Raabidada Ardayda ka baxday Machadka Khadiija ee Garowe iyo Raabidada Ardayda ka baxay Machadka Dacwah ee magaalada Hargaysa ,waxaana kulanka ka soo qayb galay culumaa’u diinka magaalada, maamulaha Machadka Caali Sh.Maxamed Ibraahiim, Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Karam Sh.Faysal, Raabidada Macaahidda Sharciga ah iyo masuuliyiin ka socotay wasaarada awqaafta ee S/land.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Xiriirka Gobollada ee Dalladda Ardayda ka baxday macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya Sh.Cabdi Baasid, wuxuuna ka hadlay Hawl-Qabadka (Agenda) kulan-waynaha, inta kadibna wuxuu ka warbixiyey waxqabadkii Dalladda ee sannadkii la soo dhaafay, kadibna waxaa la guda galay kulankii oo Afartii urur ee ardayda ka baxday macaahidda ku midaysnaayeen baa iyana waxqabadkoodii soo jeediyay, Muxaadaro aad u qiimo badan oo ka hadlaysa walaalaynta baa inta xigtay.

Ugu danbayntii waxaa madasha kalimado ka jeediyay culumadii martida ahayd, waxaana goobta ka hadlay Maamulaha Machadka Caali ee diyaarinta ducaadda, masuulkii ka socday Wasaaradda Aw-qaafta iyo Raabidada Macaahidda Sharciga ah iyo Gudoomiyaha Mu’assada Al-Karam ee Dacwada iyo Hormarinta. Markii kulanwaynuhu dhamaadayna walaalihii kasoo qayb galay kulanka baa kuligood  si cilmiyaysan u walaaloobay oo ku ballamay inay Dacwada ka shaqaynteeda iska kaashadaan.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Boosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online