Madaxweynaha dowladda Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda xafiisyada Qaramada Midoobay ee Puntland

July 28, 2015 - Written by Editor

IMG_3207Garoowe:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maant oo ay taariikhdu tahay 28-7-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxda xafiisyada Qaramada Midoobay ee Puntland , gaar ahaan xafiisyada kala ah UNDP, UNHCR, UNOCHA, WFP, UNICEF iyo UNDSS.

Shirka ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabduulaahi Cumar Camey iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq SulaymaanYuusuf.

Kullanka oo muddo kooban socday ayaa madaxweynuhu waxaa uu warbixino la xiriira howlaha muhiimka ah ee hay’adahaasi kawadaan gudaha Puntland ka dhagaystay madaxdii uu la kulmay, isagoona kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan howlaha horyaala.

Waxaa ay dhankooda sheegeen in meel wanaagsan ay marinayaan mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan guud ahaan Puntland , sidookale waxaa ay tilmaameen in ay kor u sii qaadeen xiriirka wada shaqeyneed ee joogtada ah ee ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland.

Mashaariicda horumarineed ayaa waxa ay sidookale sheegen in ay si dardar leh uga wadaan dhulka ka baxsan laamiga, iyagoo fulinaya balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in dhulka ka baxsan laamiga laga howlgalo si simana adeega bulshada ugaaro guud ahaan shacabka reer Puntland.

Kullankaan ayaa ahaa mid lagu derdergelinayo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha Qaramada Midoobay  kawadaan Puntland , maadama ay Puntland qaaday dhabbaha horumarka oo la gaarsiinayo  miyi iyo magaalo.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online