Mu’asasada Al-Minhaaj oo Deeq Raashiin ah u qaybisay In ka badan 1000 Qoys.[Masawiro]

July 3, 2015 - Written by Editor

IMG_0656Qardho:-Mu’asasada Al-Minhaaj ee dacwada iyo horumarinta bulshada iyo wasaarada cadaalada dowlada Puntland ayaa deeq raashiin ah soo gaarsiiyay 1000 Qoys oo isugu jira Qoxootiga Yamani yiinta, Barakacayaasha ku nool magaalada Qardho, agoomaha daarul xanaan iyo qoysaska tabaalaysan ee ku dhaqan magaalada deeqdan ayaa waxaa sidoo kale la gaarsiiyay Maxaabiista ku jira xabsiga wayn ee magaalada Qardho.

Deeqdan manta la soo gaarsiiyay qoysaska tabaalaysan ee magaalada Qardho ayaa ka timi Oman Charity organization ee dalka Saldanada cumaan waxayna ahayd mid isugu jirta raashiinka noocyadiiska kala duwan sidda bur,bariiis sonkor saliid, baasto iyo Timir.

Dhamaan goobihii lagu qaybinayay raashiinkan oo kala ahaa xarunta Qoxootiga Yamaniyiinta, African care, Madarasada agoonta ee daarul xanaan, dugsiga sare ee Al-muntada iyo xabsiga dhexe ee magaalada Qardho ayaa waxaa goob jooog ahaa maamulka gobolka iyo kan degmada waxayna ka mahadceliyeen deeqdan ka timi Saldanada Cumaan ayna soo gaar siiyeen Mu’asadada Al-minhaaj iyo wasaarada Cadaalada Dowlada Puntland.

Maxamed C.llaahi C.dule madaxa Mu’asasada minhaaj iyo Sh. Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa sidoo kale ka warbixiyay deeqdan ka timi Saldanada Cumaan iyo goobihii ay ka soo qaybiyeen, Maxamed C.llaahi ayaa xusay inay Qardho maanta ay raashiin u qaybiyeen 1000 qoys oo isugu jira Qoxootiga Yamaniyiinta, Barakacayaasha, Agoomaha iyo Qoysaska Tabaalaysan.

Wasiirka cadaalada dowlada Puntaland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo gudaha xabsiga magaalada Qardho saxaafada kula hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay deeq gaar ah ay u sideeen maxaabiista ku jira xabsiga magaalada Qardho, waxaa sidoo kale aad ugu mahad celiyay Saldanada Cumaan oo deeqdan soo gaarsiisay walaalahooda xili lagu jiro bishii Ramadaan.

Qoysaska la soo gaarsiiyay deeqdan ayaa dhankooda ka mahad celiyay gurmadka balaaran ee loo sameeyay xili lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan.

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj
Qardho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online