Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad oo ka socda Aarhus oo galay maalintii 2aad.[Masawiro]

July 31, 2015 - Written by Editor

IMAG0507Aarhus:-Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad ee lagu qabto sanad walba Iskandinavianka ayaa waxaa uu si habsami leh wuxuu uga socdaa maalintii labaad magaalada Arhus ee caasimada labaad ee dalka Denmark. Muxaadaradii 1aad ayaa waxaa jeediyey Sh.Dr.Cabdi Nuur Maxamed waxaana uu ka hadlay Qabiilka iyo dhibaatadiisa waxaana uu ka hadlay qaabka uu u dumiyey umado badan .

Culumada ka soo qeyb qaadatay Mutamarka maanta ayaa waxaa ay jeediyeen towjiihaad kala duwan waxaana muxaadarada labaad jeediyey Sh. Maxamed Sh. Cali Mawliid wuxuuna Sheekha ka hadlay Saamaynta xun ee Social mediyadu kuleedahay Dhalinta soo koramaya waxaana uu Sheekhu si fiican u qaadaa dhigay dhibka Social mediyadu u geystay dhalinta soo koreysa.

Muxaadarada Labaad ayaa waxaa galay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ku sugnaa Magaalada Nairobi waxaana si Live ah u soo tabinayey Halgan.net iyaga oo Kaashanaya Salaf Media

no images were found

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka hadlay in Taqwada alle looga badbaado fitanka waxaana uu dardaaran guud u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ka kala yimid wadamada Iskandinavianka kuwaas oo soo camiray Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad oo galay maalintii Labaad.

Intaas ka did ayaa waxaa ay culumada ay galeen Nadwado wada jir ah waxaana diirada lagu saaray Mashaakilka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo qaabka ay ugu mintidi lahaayeen Islaamnimadooda.

Halgan.net
Aarhus:
Denmark

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online