Ra’iisul wasaaraha DFS oo cambaareeyey weerarkii lala beegsaday Hotel Jazeera ee Muqdisho

July 26, 2015 - Written by Editor

CUMAR-jazMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameed-sanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan uu marqaati u yahay fekerka khaldan ee argagixisada, waxuna shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan sidii loo dhammeystiri lahaa haraadiga cadowga diidan jiritaankooda.
“Falkii Argagixiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera wuxuu mar kale cadeeyey sida ay kooxdan waqtigeedu sii dhamaanayo uga go’an tahay daadinta dhiigga dadkeena qiimaha badan, laguna hakinayo nabadda iyo horumarka aan maanta haysano, waxaan u sheegayaa argagixisada weerarada noocan ah in marnaba aysan qaranka Soomaaliyeed ka leexin doonin waddada horumarka iyo dawladnimada”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xusay in Ciidamadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda AMISOM ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ballaaran oo xididada loogu siibayo haraadigooda, guulna laga gaaray, dhawaana laga sifayn doono deegaanada kooban ee ay dhuumaalaysiga ku joogaan, dadka shacabka ahna laga doonayo in ay gacan siiyaan ciidamadda amniga si looga guuleysto cadowga ummada Soomaaliyeed ee baneystay daadinta dhiiga dadkeena.

Ugu danbeyn, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi u diray qaysaskii iyo saaxiibbaddii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan maanta ka dhacay Hotelka Jazeera.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online