Shirkiii golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay sidii loo diyaarin lahaa goob lagu dajiyo Conteenerada oo ka baxsan Dekedda

July 2, 2015 - Written by Editor

IMG_9095Muqdisho, 02, July, 2015…Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa waxaa kulanka qaybtiisa hore shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmarke, iyadoo qaybtii danbana uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxmed Cumar Carte, waxaana kulanka looga hadlay balaarinta habsami u socoka Dekeda weyn ee Muqdisho, Imtixaanaadkii la qaaday bishii hore bartamaheeda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka warbixyey shir looga hadlayey maalinta agoonta oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Ugu horayntii Raysal Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa golaha uga warbixiyey kulan maanta laysugu keenay qaar ka mid ah agoomaha ku xaraysan xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku xanaaneeyaan Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) iyo
Qadar Charity oo gacanta ku haysa in ka badan 10,000 oo Agooma ah.

“Maanta waxaan ka qayb galay kulan aad u qiimo badan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Qadar Charity oo gacan weyn ka gaysta daryeelka iyo waxbarashada Agoonta, waxaana kulankani ahaa xuska maalinta agoonta Islaamka oo ku began
sanad kasta 15-ka Bisha Ramadaan, waxaana kulan ka soo qayb galay caruur Agoon ah oo dareenkooda ku cabirayey suugaan iyo khudbado ay goobta ka jeedinayeen, Waxaan ku wargalinayaa wasaaradaha ay arintaan khusayso in ay kaalintooda ka qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelkooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waxaana golaha u soo jeedinayaa in shakhsiyan ay uga qayb qaataan kafaalo qaadida agoonta, sidoo kalana khamiista soo socota waxaa golaha looga doodayaa siyaasad ku wajahan Agoonta si kor loogu qaado daryeelkooda loona muujiyo kaalinta dowladu ay ku leedahay gacan qabashada dadka dan yarta ah. ” ayuu yiri mudane Carte.

Dhanka kale Wasiirka Dekedaha iyo Gadiika Badda Nuur Faarax Xirsi ayaa golaha soo hordhigay soo jeedin ku aadan baahi loo qabo in la helo Deked Qalalan “Dry Port, si culayska siyaadaha ah ee hada ka jira dekedda weyn ee Muqdisho loo yareeyo, lana hormariyo adeegyadeeda.

“Waxaa jiray codsiyo loo gudbiyey wasiiradii iga horeeyey, kuwaas oo dhamaantood qeexaya baahida loo qabo in lahelo Deked Qalalan “Dry Port” taas oo laga hirgalinayo meel ka baxsan Dekedda si Conteenarada imaanaya loogu xareeyo, badeecooyinka looga dajiyo wixii la dhoofinayana looga soo raro, waxaana arinkaan horseedayaa in Dekeda howsheeda si habsami leh u qabsato, in Dekedu noqoto mid la tartami karta Dekedaha caalamka, in muwaadinin Soomaaliyeed ay ka helaan shaqooyin, iyo suurtagalnimada in halkaas lagu diyaariyo qaboojiyayaal waaweyn oo lagu kaydiyo khudaarta, Hilibka iyo Kaluunka dalka dibadiisa loo iib gaynayo” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu danbayntii Wasiiru Dowlaha Waxbarashada ayaa sheegay in Imtixaanaadkii ay wasaaradu horumuudka ka ahayd si wanaagsan u qabsoomeen, taasna ay tahay talaabo ay xukuumadu ku faani karto, waxaa xusid mudan in 25 sano markii ugu horaysay dalka laga qabto Imtixaan midaysan ee fasalka 12-aad, waxaana imtixaanka lagu qabtay 11 xarumood oo Muqdihso gudaheeda ah iyo 9 xarumood oo gobolada dalka, waxaa kaliya oo Imtixaankaan ka hirgalin gobolada Jubada Dhexe iyo Bakool.

—DHAMAAD–

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online