Sidee mushkilad ku haysata loo xaliyaa ? W/Q Muxamed Sh.Aadam weli C/raxmaan

July 14, 2015 - Written by Editor

imagesLaascaanood:-Alle ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay  Nebigana ammaan iyi nabadgelyo kor kiisa ha ahaato intaa ka dib waxaan jeclaystay qormadan inaan kaga hadlo mawduuc aan is leeyahay baahi weyn ayaa loo qabaa, mawduucan oo ah: sidee mushkilad ku haysata loo xaliyaa ? iyadoo qofna uusan mushkilad la’aan noolayn, aynu ku bilaabano hadaba qeexidda mushkiladda.

Mushkiladdu waa : dhibaato ku haysata oo aad rabtid inaad ka gudubto xalna aad u hesho. Nolosha aduunyaduna ma aha mid ka madhan caqabado iyo dhibaatooyin, soomaaliduna waxay ku maah maah daa “aduun waa sagaal oo ma tobnoobo.”

Dadkuna wajihidda dhibaatooyinka waxay ugu qaybsamaan saddex qaybood :-

B- qof mushkiladda haysata ka fakaraya habeen iyo maalin, hoosna ugu daadadagaya qaybeheeda kala duwan, hadana aan ka fakarayn sababta keentay iyo sidii uu xal ugu heli lahaa, qofka noocan ahi marka danbe waxaa ku dhac niyad-jab wuxuuna ku noolaadaa walwal iyo murugo.

T- qof mushkiladda ama dhibaatada is moogaysiiya oo halmaama yadoo mushkiladii haysato xalna aanu u helin, qofka noocan ah mushkiladdu inay ku siyaado mooyaane kama yaraato.

J- qof mushkiladda ama dhibaatada ka fakara sababta keentay iyo sidii uu xal ugu heli lahaa, rumeeyana in ALLe u qadaray dhibkan, nicmooyin badan oo kalena ALLE ku galaday, heerka mushkiladaasi joogtana aan ka weyneyn.

( Haddaba noqo kan sadexaad )

Hadii ALLE idmo waxaan halkan ku tilmaami doonaa qodobo dhawr ah oo koobkooban, oo aan rajaynayo hadii la dhqan geliyo in mushkiladaha ama dhibaatooyinka xal loogu heli karo.

1-Qeex dhibka ku haysta, si dhab ahna u taabo mushkiladda, aqoonsana waqtigii ay kula soo gudboonaatay iyo sababaha keenay.

2-Uraadi mushkiladdaada xal dhab ah oo kama danbays ah, waayo waxaa jira xal wax yara dejiya laakiin aan mushkiladdii ka takhalusayn, xuluusha wax yara dejisaa dadaal badan uma baahna, halka xalka kama danbaysta ahi dadaal badan uga baahanyahay.

3-Diyaari waxyaabo kale oo aad mushkiladda ku xalinayso, macnuhu waxaa weeye hal xal oo keliya haku gaabsanin, dhawr xal oo kale diyaarso si hadii ka hore waxtar noqon waayo aad mid kale oo kuu diyaarsan ugu gudubtid.

Fiiro gaar ah: Hadii xalku mid keliya noqdo kiina aad ku fashilanto waxaa kugu dhacaya mooral-jab .

4-La tasho dadka dhibka ku haysta aqoonta u leh talana kaa siin kara, taladooda iyo taadana isu gee, kadibna dhinacyo badan wax ka eeg.

5- Iska ilaali xal walba oo aan sharciga ku banaanayn, waayo kaasi xal ma ahaa.

6- Qaado hadba xalka fudud.

7- Kaalmayso aamuska, mushkiladdaadana cid walba ha u sheegin, cid wax kaaga qabanaysa mooyaane.

8-Inta aadan go’aan qaadanin arintaada rogrog dhinacyo bandanna wax ka eeg, kana fiirso go’aanka aad qaadanayso, ogow go’aan-qaadashada ka hor ayaa wax la rogrogaa kadib maya, marka aad go’aan qaadato kadib istikhaarayso ALLENA tala-saaro go’aankaagana ku dhaqaaq.

9-Marka aad la tashi samayso, hadana aad istikhaaraysato, ALLENA aad talo saarato, haddii aad khaldanto uuna kuu muuqdo in go’aankaagii khaldanaa murugoon maysid, waayo wixii aad dadaal samayn karaysay waad samaysay.

10-Ugu danbayn ha isku deyin in aad xal u hesho dhibaatooyinka aan xalka lahayn in lala noolaado mooyaane, tusaale ahaan: hadii waalidkaa dabci adagyahay, una dhashay dabci adayg, ha isku deyin inaad ka badasho dabcigaa adag, sababtoo ah kama bedeli kartid, waxaa kuu kordhaya uun dhibaato iyo feker, sidaa awgeed kula noolow mushkiladaas una dulqaado oo qabatin.

Insha allaah waxaan rajaynayaa haddii aad samayso waxyaabahan in aad mushkilado badan oo ku haysta aad xal u heli doontid .

ALLE HA INA DHAWRO IF IYO AAKHIRABA
W/Q : Muxamed Sh.Aadam weli C/raxmaan

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online