Tartan Quraanka Kariimka oo magaalada Laascanood lagu Gabagabeeyey.[Masawiro]

July 7, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Shalay waxaaa lagu soo gabagabeeyey magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool tartan qooneedkii Qur’aanka kariimka ,kaasoo ka socday labadii todobaad ee la soo dhaafay Masjid Al-hudaa.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Masjidka Alhuda ee magaalada Laascanood ee gobalka Sool waxaa abaal marino qaali ah lagu gadoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartan Quraan akhris ah.

Hoos Ka Daawo Ardayda gashay Tartanka oo la gudoonsinayo Abaalmarino kale duwan


Goobta Munaasabadda waxaa ku sugnaay culimada waawayn ee laascaanood odayaal dhaqameed iyo sidoo kale mucalimiinta madaarista Quraanka ee magaalada laascaanood.

Qaar ka mid ah waalidiinta culimada iyo odayaasha dhaqanka oo goobta munaasabadda ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay macalimiinta sida ay u dhiiri galinayaan islamarkaana u tartan siinayaan caruurta yaryar ee xifdisay Quraanka Kariimka.

Magaalada Laascanood oo ka mida goobaha sida wayn looga maamuuso Ardayda barata Quraanka Kariim ayaa ku guulaysatay inay noqoto hoyga aqoonta Diinta iyo kor u qaadida Diinta Islaamka.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed.
Laascaanod Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online