Tartanka Quraanka Kariimka ee Madaarista magaalada Qardho oo la soo gaba gabeeyay.[Masawiro]

July 6, 2015 - Written by Editor

IMG_0910Qardho:-Tartankan oo ahaa mid ardayda ay ku tartamayeen 30 ka jus, 20 ka jus, iyo 10 ka jus ayaa socday mudo laba maalmood ah waxaana lagu soo gabagabeeyay Xaflad Abaalmarino iyo lacago cadaan ah lagu gudoonsiinayay Ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore ee Tartanka.

Tartankan oo ay agaasinkiisu lahayd Mu’asasada Al-Minhaaj Qaybta Qardho, Shirkada Isgaarsiinta Golis na ay ka taageeraysay Bixinta kharashaadka sida abaalmarinada iyo lacagaha lagudoonsiiyay ardayda kaalmaha hore ka galay iyo abaalmarino lasiiyay dhamaan ardaydii ka qaybgashay.

Tartanka ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Culimada iyo Masuuliyiinta Mu’asasada Al-Minhaaj qaybta Qardho waxayna ka dhawaajiyeen muhimada tartamada noocaan oo kala ah, iyagoo xusay mudadii  uu socday oo ahayd 5 sano ay wax wayn iska bedeleen xifdiga ardayda, waxayna hadaladooda ku soo gunaanadeen mahadcelin iyo duco ay u jeedinayaan, ardaydii Xufaada ahyd, Macalimiintooda, waalidiintooda, iyo Shirkada Is gaarsiinta Golis oo u istaagtay ka farxinta ardaydaan ku tartamaysay Quraanka Kariimka iyadoo lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Maamulaha shirkada Golis Gobolka Karkaar oo asna xaflada ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay inay muhiim tahay in lataageero lana garab istaago barnaamijyada noocaan oo kala ah shirkada Golis na ay ka go’antahay ka qaybqaadashadooda ayadoo aan ahayn markii ugu horaysay oo ay Golis ka qayb qaadato Tartanka Quraanka Kariimka.

Xafladan oo gabagabadeedii uu ka hadlay Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Siciid Maxamed Faahiye ayaa dardaaran guud u jeediyay dhamaan dugsi quraanada Degmada wuxuuna kula dardaarmay inay marwalba isha ku hayaan dugsiyada kale ee dhinacooda ka furan sida dugsiyada filimada, tahriibta iyo kuwo kale oo farabadan.

Ardayda ayaa loo kala abaal mariyay sidan:-

30-ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah

1. Maxamed C/risaaq C/laahi oo ka socday Madarasada Daarul Quraan.

2. Axmed Maxamed Daahir oo ka socday Madarasada Daarul Huda.

3. C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo ka socday Madarasada Daarul Biri.

20-ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1. C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo ka socday Madarasada Daarul Huda.

2. Maxamed C/latiif Xuseen oo ka socday Madarasada Daarul Fajri.

3. Maxamed C/raxmaan Maxamed oo ka socday Madarasada Daaru Sacaada.

10 -ka Jus ayaa waxaa kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1. C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Ka socday Madarasada Daarul Birri.

2. C/khadar Maxamed C/llaahi oo ka socday Madarasada Daarul Huda.

3. C/majiid Maxamed Cali oo ka socday Madarasada Daarul Quraan.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan

Qardho, Somalia

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online