Tartanka Qur’aanka Kariimkaa ee Gobolka Nugaal ayaa ka furmay magaalada Garowe.[Masawiro]

July 4, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-07-03-17h30m05s129Garoowe:-Waxaa maantay sirasmi ah ugu bilowday Masjidka Al-huda magaaldda Garoowe Tartanka Qur’aanka kariimka  Tartankaan oo ah mid loogu soo baxayo Tartanka Heer Puntland ayaa ahaa sanad kaan mid aad u xamaasad badan waxaana ardaydii ka soo qayb gashay oo tiradoodu dhamayd 60 Arday oo laga soo xulay Madaarista ku yaal gudaha caasimada ay soo bandhigeen sidda wanaagsan ee ay sanad kaan ugu diyaar garoobeen in ay kaalimaha ugu horeeya ee Tartanka Qur’aanka.

Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan uu u soo diyaariyay Xafiiska Dacwada Iyo Tacliin ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gabolka Nugaal  waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/lahi Ciise Aw Axmed  Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf Sheekhul Baladka Waxaa kale oo ka soo qayb galay dadweyne aad u farabadan kuwaas oo soo buux dhaafshay Masjid .

Macalin Mukhtaar Muxumud  oo ah Madaxa Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal ayaa kawar bixiyay qaabka ay ardaydaan u soo xuleen Iyo waliba Shuruudaha ay ku qiimaynayeen  waxaana uu sheegay in ay ugu soo dhamaatay si wanaagsan waqti dheer ka dibna ay Madaraso  walba soo gudbiyeen ardaydii u matali lahayd Tartanka.

Intaas ka dib  waxaa lagu soo dhaweeyay Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana sheekh umada ugu dardaarmay in ay bartaan kitaabka Alle isagoo sheekhu ka digay in hadii bulshadu ay haraystaan barashada iyo kudhaqan ka kitaabka Allah ay Kadhalanayso Ciqaab.

Waxaa Xaflada si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw Axmed waxaana uu  bogaadiyay Mu’asasada Al-minhaaj dadaalka ay wado iyo howsha adag ee ay Bulshada u hayso dhanka kale waxaa uu ardayda kulataliyay in ay dadaalaan isagoo u rajaynayay in ay  sanadkaan kaalimaha hore galaan. 

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online