Tartankii Quraan Kariimka ee Ardeyda magaalada Bosaso oo lasoo gabagabeeyay.[Masawiro]

July 2, 2015 - Written by Editor

IMG_5251Boosaaso:-Mu’asasada dacwada iyo horimarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso. Tartankaan oo labadii maalmood ee ugu Dambeeyey ka socday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa lagusoo gabagabeeyay xaflad abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso , kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka puntland ee ka dhici doona magaalada garowe.

Goobta xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay dadwayne aad u fara badan , waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Xuseen Daahir Macalin Xasan oo ahaa gudoomiyaha gudiga garsoorka tartanka quraanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax usaxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay quraan baristooda.

Macalin Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa aad waxa uu ugu dheeraaday fadliga quraanka barashadiisu ay leedahay, isagoo ku booriyay dhamaan dad waynaha caruur iyo ciroolaba barashada quraanka kariimka.

Sh Faarax Maxamed Cajab Gudoomiyaha Mu’asasada al-minhaaj qaybta gobolka bari, isla markaana ahaa gudoomiyaha gudiga qaban qaabada tartanka quraanka ee magaalada boosaaso oo isna madasha ka hadlay ayaa isaga oo ka hadlaya ujeedooyinka laga leeyahay tartankan quraanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto waxa uu yiri “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.

Sh Faarax Cajab oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka qayb qaadatay iyo tirada dugsiyada ay ka kala socdeen, waxaana uu yiri “ sanadkan waxaa ka qayb galay tartanka magaalada boosaaso 15 arday kuwaas oo ku kala tartamayey  sodonka jus, labaatanka Jus,iyo tobanka jus, waxayna ka kala socdeen lix xarumood oo quraanka lagu barto”.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus iyo 10 Jus , iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

Ardayda ku guulaysatayna saddexda heer ee lagu kala tartamayay waxay kala ahaayeen:-
30-ka ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1. Ibraahim Deeq Barkhadle, oo ku guulaystay kaalinta 1aad, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.

2- C/xafiid iimaan yuusuf , oo ku guulaystay kaalinta 2 aad, kana socday Dugsiga Daaru Al-biri

3-Buruuj Maxamed Axmed, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday Dugsiga ibinu Baaz.

20-ka Jus ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1-C/laahi Abshir Maxamuud, oo ku guulaystay kaalinta 1aad, kana socday Dugsiga ibinu Baaz..

2-Sulaymaan Maxamed Cismaan, oo ku guulaystay kaalinta 2aad, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.

3- C/laahi Axmed Maxamuud, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday Dugsiga Daaru Al-biri.
10-ka Jus ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1-Ibraahim Maxmed Maxamuud, oo ku guulaystay kaalinta koowaad, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.

2-C/raxmaan Nuur Salaad, oo ku guulaystay kaalinta 2aad, kana socday Dugsiga Daaru Al-biri.

3-Shakiib C/rashiid Xasan, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday Dugsiga Umul Quraa..

intaa ka dib waxa iyaguna abaal marino la gudoonsiiyada qaar ka mid ah barayaashii ardayda kaalmaha horay gashay.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online