Warsaxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen Un-ka IGAD, EU, AMISOM , USA oo lagu soo dhaweeyey doorashada Gal-Mudug

July 5, 2015 - Written by Editor

galmudugNairobi:- Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen United Nations, IGAD, EU, AMISOM, USA waxaa ay soo dhaweeyeen doorasha Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Gal-Mudug ee loo doortay Abdikarim Hussein Guled, iyo ku xigeenkiisa Mohamed Hashi Abdi.

”Waxaan soo dhaweynaynaa sidda wanaagsan ee ay u dhacday doorashadu oo ahayd mid si cadaalad ah ah u dhacday aana kala soconay saxaafadda si toos ah gaar ahaan Radiyaasha iyo Tv-dda”.

Waxaa ku dhiiri gelinayanaa Madaxweynaha cusub ee Gal-Mudug iyo ku xigeenkiisa in ay soo dhisaan xukuumada ay ku wada jiraa bulshada Gobollada dhex oo dhan ayna qayb ka yihiin haweenku.

Waxaa kale oo soo dhaweynaynaa dowrkii ay Dowladda Federaalku ku lahaayeen dhismaha Maamulka Gal-Mudug iyo weliba in musharaxiinta tartanka u galay Maamulka Gal-Mudug ee aqbalay natiijada ka soo baxday doorashada.

Waxaa kale oo laga doonayaa Maamulka Gal-Mudug in uu wada hadal la furo dhinacyada ay khusayso si loo heli maamul lagu midaysan yahay inagoo sidoo kale ugu baaqayna in dhinacyada diidan ay ku soo biraan lana dhameeyo khilaafka jira.

Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Madaxda Gal-mudug iyo DFS in ay wada hadal la furaan Puntland si loo xaliyo khilaafka ku saabsan xudduudaha, annaga oo ogaaney in arrimaha sharciga ah oo ka dhalatey maamulkan waana in ugu danbayn Guddiga Xuduudaha ee Federaalka ee la waafajiyey Dastuurka.

Waxaannu ku baaqaynaa DFS iyo Puntland in ay ixtiraamaan heshiiskii lagu kala saxiixday Garowe iyo Muqdisho ee khuseeyey arrinta xuduudaha. Sidoo kale, waxaan hoosta ka xariiqay in maamul horay u jiray uusan wax u dhimin xasiloonidiisa maamul cusub.

Ugu danbayn beesha caalamku waxaa ay diyaar u tahay in ay garwadeen ama dhexdhexaadin ka gasho arrimaha jira waxaan ay sii wadi doontaa taageerada in xal laga gaaro khilaafka jira hadda.  Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka

ENDS
Source: http://unsom.unmissions.org/

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online