Wasiirka cusub ee caafimaadka dowladda Puntland oo xilka la wareegay.[Video/Masawiro]

July 6, 2015 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr.Saadiq Eenoow ayaa maanata waxaa uu xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ee caafimaadka Dr.C/naasir Cismaan Ciise, iyadoo goobta xil wareejinta ay ku sugnaayeen wasiirka wasaaradda arrimaha Deegaanka Puntland.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenoow ayaa xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in xilka uu wareejiyo isagoona sheegay in intii uu xilka wasaarada hayey ay wax badan qabteen waxaan uu ka codsaday dhamaan shaqaalihii wasaaradda in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub ee caafimaadka Dr. C/naasir Cismaan Ciise.

Wasiirka cusub ee wasaaradda caafmaadka ee dowladda Puntland Dr. C/naasir Cismaan Ciise ayaa isagana u mahadceliyay wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr.Saadiq Eenoow isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu wax badan ku soo kordhin doono wasaaradda.

no images were found

Dhinac kale Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntand C/risaaq Xirsi Xassan oo isagan goobta ka hadlay ayaa uu ka warbixiyey waxqabadka wasaaradda mudadii koobnay ee uu xilka hayey Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenoow isagoona tilmaamay in wasaaradu ay ku guulaystay in ay ka shaqayso deegaanada ka baxsan laamiga adeeg caafimaadna ay gaarsiisay deegaano kale duwan.

Ugu danbayntii ayaa Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntand C/risaaq Xirsi Xassan wuxuu u mahad celiyey wasiirkii hore ee wasaarada Caafimaad Saadaq Eenow isagoo sheegay in uu ahaa qof ka soo baxay howshii loo igmaday guul la taaban karana gaarsiiyey wasaaradda caafimaadka.

Hoos ka eeg wasiirka cusub ee caafimaadka dowladda Puntland oo xilka la wareegay

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online