Wasiirka Gaashaandhiga DFS ,”Waxaan Horumar Gaaraynaa Markaan Dhisno Ciidan Qaran Oo Soomaaliyeed

July 31, 2015 - Written by Editor

unnamed-11Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro nabad-diidka, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada horumarka ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen hawlgalka dalka lagaga sifaynayo kooxda Shabaab.

Diini ayaa xusay in dhammaan hawlgaladii dhowaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.  Mudane Diini, ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ay haystaan caqabado dhinaca baahiyahooda ah sida hubka rasasta, isgaarsiinta iyo agabka ciidamada.

Wasiirku waxa uu xasuusiyey Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka inay lagama maarmaan tahay dhismaha ciidanka dalka, si ammaanka dalka loo hanto, oo meeshana looga saaro kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah Soomaaliya, dalalka gobolka iyo adduunka oo dhan.

Wasiir Cabqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay isku-dhaf ciidamada oo uu sheegay in hawl wanaagsan laga qabtay, isagoo xusay in la wado qorshaha Guulwade oo lagu qorayo ciidamo ka socda qaybaha dalka oo dhan.

Gen. Diini ,ayaa ugu danbayntii shirka ku guubaabiyey in dalalka saaxiibka ah ay ka dhabeeyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen taageerida dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee ah Soomaaliya xasiloon oo horumar samayneysa.

—Dhammaad—

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online