Xawaalada Tawakal oo deeq lacageed ku wareejisay Mu’asasada Al-minhaaj iyo gudiga gurmadka qaxootiga Yemen.[Masawiro]

July 6, 2015 - Written by Editor

IMG_5630Boosaaso:-Xawaalada Tawakal oo ah xawaaladaha ugu balaaran ee gobollada Puntland iyo daafaha caalamka ka hawlgasha ayaa maanta oo ah maalin Axad ah Taariiqduna ay ku beegna tahay July 05, 2015 waxa ay Xawaaladu kuwarayjisay gudiga gurmadka qaxoontiga Yeman ee Puntland lacag dhan $13.500 (saddex iyo toban kun iyo shan boqol oo dollar) taas oo ay ugu talagashay Xawaalada in ay uga qayb Qaadato gurmadka iyo Taakulada loo fidinayo dadka ka soo cararaya dagaalada ka socda dalka Yemen , waxayna Xawaalada tawakal lacagtaasi ay ugu talagashay qaxoontiga Yeman u soo marisay Mu,asasada Al-minhaaj iyo Culimaaudiinka Puntland , Mu,asasada iyo Culimaduna waxa ay si rasmi ah ugu warayjiyeen Gudiga Gurmadka Qaxoontiga Yeman ee Puntland.

Munaasabada lagu wareejinayey lacagtan oo ka dhacday xafiiska guud ee Mu’asasada Al-minhaaj ayaa waxa ugu horeentii ka hadlay maamul ku xigeenka Xawaalada Tawakal qaybta Boosaaso Maxamed Jaamac ayaa ka war bixiyay deeqdan lacageed ee ay xawaaladu ku wareejinaysay culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga Yemen maanta “ waxaa uu yiri waxaa farxad noo ah in aan maanta ku caawino Walaalahayaga ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yeman lacagtan dhan 13,500 taas oo ay xawaalada ugu talagashay in ay wajiga hore kaga qayb qaadato gurmadka iyo Taakulaynta qaxoontiga yaman kasoo qaxay”.

Maamulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu uga mahad celiyey culimada iyo gudiga gurmadka qaxoontiga Yeman, sidda ay isu xilqaameen dadka qaxoontiga ah ee ka yimid dalkaasi Yeman waxaan uu sheegay in aysan deeqdaani noqondooni deeqdii uguhoraysay uguna danbeeysay oo ay bixiyaan.

Sh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah culimada puntland oo isna madasha lacagtaasi lagu warayjinaayay ka hadlay ayaa ugamahad celiyay Xawaalada Tawakal deeqda ay soo gaarsiiyeen qaxoontiaga Yeman waxan uu ugu duceeyay in alle uu ubarakeeyo xoolahooda halka ay ka soo saareena uu alle ugubadalo wax ka qayr badan.

Waxana uu intaasi kudaray sheekhu in ay lacagtaasi soo gartay ay ku diridoonan maalmaha soosocda dadka qaxoontiga ah ee ku jira xerada qaxoontiga yaman ee magalada Boosaaso isagoo sheekhu tacsi udiray eheladii iyo qarabadii ay ka dhimatay gabar xaamilo ahayd oo ku geeriyootay ispitaalka wayn ee magalada bosaso oo kamid ahayd qaxotiga.

Sh.Maxamed Macalin oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay dhankiisa in lacagtaan ay maanta bixisay Xawaalada Tawakal ay ku soo aaday waqti Munaasib ah oo loobaahnaa wuxuuna alle ugabaryay in alle xoolahahooda ubarakeeyo badal qayr qaban uu siiyo, Wuxuuna ugudanbeyn ugu baaqay dadka uu Alle wax siiyayn in ay labaxan Sadaqada oo ay ka qayb qaatan Taaku leynta Qaxoontiga Yeman.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Qaxoontiga Yeman ee Puntland Sh.Axmed Yuusuf Daad waxa uu goobta ka cadeeyay in ay ka Gudoomeen maanta Xawaalada Tawakal lacag dhan 13,500 oo doolar oo ay u soomariyen culimada iyo Mu,asasada Al-minhaaj waxana uu goobta ka cadeeyay in lacagtan maanta lagu warayjiyay ay ku bixin doonan halkii ay markii hore marinjireen lacagihii hore loogu wareejiyey oo ahayd in lagu daad gureeyo Qaxoontiga ku jira xerada ku meel gaarka ah ee magaalada Boosaaso.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online