Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil Ciidanka Itoobiya kama amar qaataan AMISOM (Dhageyso)

August 17, 2015 - Written by Editor

Col_dhimbilHiiraan:-Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa maanta warbaahinta kula Hadlay magaalada Beledweyne ayaa ka bixiyay Sababihii keenay inay ciidanka DFS iyo kuwa Jabuuti ay uga soo baxeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Howlgala gobalka Hiiraan aysan ka amar qaadan Taliska AMISOM balse ay toos uga amar qaataan magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay ciidamada Itoobiya ee howlgala kula jiray ciidanka DFS iyo kuwa Jabuuti ee qabsaday deegaanada Nuur-Fanax,Booco, Buq-aqablle, Ceel-cali, Buq-goosaar, iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka tirsanayey AMISOM ayna soo faaruqiyeen deegaano dhowr ah .

Col. Dhimbil ayaa sheegay in ay wargaliyeen madaxada DFS in ciidanka Itoobiya aysan ka amar qaadan AMISOM ayna ka war sugayaan madaxda DFS.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil

Dhanka kale Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ee ku sugan Soomaliya aysan ka amar qaadan Taliska AMISOM.

Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diini oo wareysi isna siiyey idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ka tirsan yihiin ciidanka AMISOM balse wuxuu qiray in ay mar marka qaar dalkooda la xiriiraan kana amar qaataan .

Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diiniayaa cadeyn waayey mowqifka DFS ee ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan deego badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso wareysiga idaacadda VOA-da uu siiyey Wasiirka G/dhiga DFS Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online