Degmada Waaciye oo lagu soo afmeeray waxqabadyadii dacwo ee xilliga Xagaaga.[Masawiro]

August 30, 2015 - Written by Editor

Waaciye: xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta  dugsiga hoose dhexe ee degmada waaciye galabnimadii jimcaha 28/8/2015, xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo aan ka xusi karno: maamulka degmada, guddoonka waxbarashada degmada, Mu’asadada  Al-minhaaj, jaamacadda bariga Africa faraca Qardho, cuqaal culimo awdiin, haween, iyo dhalinyaro.

Xafladan oo u jeedkeedu ahaa munaasabad lagu soo afmeerayay waxqabadyadii dacwo ee  xilligii xagaaga lagu qabtay degmada waaciye ayaa waxaa hadallo ka jeediyay mas uuliyiintaas aan soo sheegnay kuwaas oo ku nuux nuuxsaday muhimadda ay lahayd nashaadaadkii laga qabtay magaalada iyo miraha ay dhaleen soona jeediyay hanbalyo iyo bogaadin ku aaddan waxqabadkaas iyo intii ka shaqaysayba.

Ugu horrayn waxa kelmad wacdi iyo waano isugu jirta oo aad u qiima badan soo jeediyay  qur’aankii lagu furay ka dib Sh C/raxmaan Maxmed Dhowre (Bukhaari). ka dib waxa ka warbixiyay barnaamijkii xagaaga ee  saddexda bilood ka socday degmada waaciye .

Sh Maxmed faahiye Ciise ayaa sheegay in barnaamijka sanadkan uu ka bedelnaa kuwii hore iyadoo lagu soo daray hawlqabdayo ay ka mid yihiin, furitaanka machadka abuubakar, kulamo wacyi gelineed, iyo Macalimiinta Quraan ka oo lagu tababaray  cilmiga tajwiidka qaab cusub oo loo yaqaano (talqiin wa tasxiix),waxqabdyadaas ooo tiradoodu ahayd (13) dhinac ayna ka faa’iidaysteen dad ka badan 1300 oo isugu jira rag dumar iyo dhalinyaro, wuxuuna intaas ku daray in loo baahanyahay in laga shaqeeyo dacwada lalana garab istaago hiil iyo hooba.

Maclin Axmed Maxamed Aadan, Sh Xuseen Macalin Yuusuf ayaa dhankooda ka warbixiyay casharadii ay bixiyeen iyo sida ay ardaydu uga faa’iidaysteen sheegayna inay ku farx sanyihiin in maanta loo fadhiyo gabagabada barnaamijkii ay muddada soo wadeen.

Guddoonka waxbarashada degmada Qaasim Ismaaicil Axmed, madaxa dacwada iyo xiriirka Gobollada ee Mu’sada minhaaj Cisamaan Maxmuud Xaaji Dirir, iyo Xoghayaha Jaamacadda Bariga Africa xarunta qardho ayaa dhankooda soo dhoweeyay shaqooyinka la qabatay iyagoo ku tilmaamay inay ahayd mid wax ku ool ah una baahan in lasoo xoojiyo.

Caaqil CIsmaan Ismaaciil Barre  ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday  siduu ula dhacsanyhay barnaamijyada dacwo ee ka socda degmada isagoo sheegay in ay waxbadan dhiman yihiin loona baahanyihiin in laysu kaashado sidii looga shaqayn lahaa dacwada oo ah tan keliya ee aan ku badbaadi karno adduun iyo aakhiroba.

Gabagabadii xafladda ayaa waxa la guddoonsiiyay howlwadeenada dacwada iyo macalimiintii ka qaybqaaditay barnaamijka xagaaga shahaado sharafyo, sodoo kale  ardaydii ka faa’iidaysatay barnaamijka shahaadooyin muujinaya cilmigii ay qaateen, shahaadooyinka waxa aka mid ahaa shahaado si gaar ah loo guddoon siiyay Eng. Khaliif Xaaji Ismaaciil oo ka shaqaynay  horumarinta degmada waaciye dhinacyada dacwada waxbarashada iyo horumarinta arimaha bulshada muddo ka badan  20 sano. Xafladda oo ku soo idlaatay sidii loogu tala galay ayaa waxaa soo xiray Xoghayaha Maamulka Degmada Caraale Axmed Ibraahim.

no images were found

Mu’assada  Al-Minhaaj,
Waaciye,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online