Faahfaahin Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland (Masawiro)

August 25, 2015 - Written by Editor

IMG_1283Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-8-2015 Daahfuray Shirweynaha Wada-tashiga Puntland wajigiisa koowaad oo maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu soconayaa 25-29-ka bishaan.

Shirweynahaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Ergooyin badan oo isugu jira rag iyo dumar laga soo kala xulay Gobalada Puntland , waxaana sidoo kale goob joog ahaa Madasha shirka Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo masuuliyiin kale duwan.

Ujeeda guud ee shirka ayaa ah in la adkeeyo wada jirka Bulshada Puntland, lana taban-taabiyo Nabadda, kalsooniada iyo is aaminaada bulshada , lana xaqiijiyo midnimada umadda iyada oo la marayo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha shirka ayaa ergooyinka ka qeyb-galaya shirka uga mahadceliyey ka qeyb-galka shirweynahaan Qaran, isagoona ku bogaadiyey in ay soo saaraan qodobo wax ku ool ah .

‘’ Qorshihii reer Puntland ee aheyd markii hore idinku is dhisa , kadibna Soomaali baadi gooba waa lagu guulaystay , waxay dhinaca kale keentay hoos u dhac dhaqaale , taasoo sababtay in Puntland dhumiso deegaan iyo dad , dadku waxay isweydiinayaan in dhaqaalaha iyo dadkaa lageeyo Xamar , waxaan qabaa inay sax aheyd sababtoo ah madaxdii Puntland ee markaa waxaa ay ka duulayeen in la helo midnimo Soomaaliyeed ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Puntland si ay ula jaanqaado horumarka dhaqaale , amni iyo bulsho ee caalamku higsanayo maanta , waa in Puntland isbedel dhab ah ku sameysaa haykalkeeda Dawliga ah iyo kuwa gaar ka ah , waana in la helaa amni iyo Nabadgelyo taaba-gal ah , waana in la helaa maalgashi xor ah oo horseeda horumar dhaqaale ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Puntland deriskeeda dhow iyo kan fogba Nabad-gelyo iyo wada noolaansho , waxaana uu sheegay in cidkasta oo Puntland ogol Puntland ay ogoshahay

‘’ Waxaa laydinka rabaa idinka shirka jooga wadadii lagu gaari lahaa Nabadda iyo Horumarka , wadadaas waxaa kow ka ah midnimada reer Puntland , Puntland oo hal mab da’a leh meelna uwada jeeda ayaa laydinka rabaa ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuh.

no images were found

Shirka ayaa waxaa sidookale laga rabaa in lagu xoojiyo xiriirka bulsho ee Puntland, iyadoo laga shidaal qaadanayo rabitaankii jiray shirweynihii lagu asaasay Puntland 1998-dii lana tixgeliyo daruufaha jira .

Hoos ka Daawo Furitaanka Daah-furay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland

Sidoo kale In la dhexdhexaadiyo beelaha ay colaadu ka dhaxeyso ee aan weli la xalin , lagana tashado maareynta khilaafaadka ku salaysan dhul-daaqsimeedka , kheyraadka iyo aanada qabiil, iyada oo laga ambaqaadayo rabitaanka bulshada Puntland iyo hogaankeeda , si dhidibada loogu taago Nidaam siyaadaseedka xisbiyada Puntland , dibna loogu bilaabo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online