Golaha Wasiirada DFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

August 28, 2015 - Written by Editor

golaha_wasiirada-1Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii loo xil saaray baaritaanka qodobada lagu xusay mooshinka madaxweynaha iyo soo jeedin qorshe qaran oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah ee lagula koco dumarka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay guddiyadii loo xil saaray arrinta mooshinka, waxayna xubnaha goluhu isla garteen in la helo xal siyaasadeed oo waara, iyadoo la eegayo geeddi socodka nabadda iyo danta guud.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Drs. Khadra Bashiir Cali ayaa golaha warbixin dheer ka siisay safar ay ku tagtay dalka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la’aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Drs. Khadra ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah isla markaana ay ardada Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Sidoo kale, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi’in lahaa gudniinka fircooniga ah ee lagula koco gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falan qeyn kadib, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in la helo qorshe qaran oo laga dhaqan geliyo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi’inayo gudniinka fircooniga ah.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online