Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Puntland oo Lagu Wareejiyey Deeq Lacageed oo dhan 19050$ [Masawirro]‏

August 2, 2015 - Written by Editor

1Boosaaso:-Sheekh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ahna Madaxa xiriirka dadwaynaha Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa lacag ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaxootiga Yemen ee Puntland. Lacagtaas oo dhan Sagaal iyo toban kun iyo kontan doollar taasoo ay soo dhiibeen dad muxsiniin ah oo kala jooga daafaha caalamka iyo Mu’asasada Irshaad oo ka jirta dalka UK.

Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Saxaafada uga warbixiyey lacagtan iyo dadka bixiyey ayaa sheegay in Guddiga gurmadka ku wareejinayo lacagtan oo 9050$ kamid ah bixiyeen Mu’asasada Irshaad ee dalka UK. .”Lacag waxaan wareejinayaa dhan sagaal kun iyo kontan doollar(9050$) ,laba iyo tab kun oo doollar waxay ka timid Mu’asasada IRSHAAD oo degan Ingiriis ka,waxaan uga mahadcelinayaa mu’asasada Irshaad oo ay ugu horeeyaan Dr Takar iyo Cabdisalaan Hiirad Maxamed …’ayuu yiri.

Sidoo kale dadka kale ee ku yaboohay lacagtan oo u si toos ah ugu wareejiyey Sh.Fu’aad guddiga gurmadka qaxootiga Yemen ee Puntland ayaa kasoo kala diray daafaha caalamka una soo wakiishay Sheekha. waxayna kala yihiin:-

1. Cabdi Muuse Faarax oo degan UK 350$

2. Axmed Siciid Maxamed oo degan Sweden 2100$

3. Daahir Kilwe oo degan Zambiya 1000 $

4. Cabdiwaaxid Sheekh Doon oo degan Zambiya 1000$

5. Aamina Axmed Xasan oo degan Sweden 50$

6.Caydaruus Odey iyo dhalinyaro Minneapolis ayaa lacagtan iska soo aruurisay 2000$

7. Cabdiqaadir Daahir oo degan Ohia Maraykanka 300$

8. Ubax Cabdullaahi Abshir oo degna Norway 300$

9. Yaasmiin Maxamed Cumar oo degan UK 50$

Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta iyo gurmadka dadkan qaxootiga ah ee dalka Yemen Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa ka mahadceliyey deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyey ,isagoona ugu duceeyey walaalihii bixiyey ALLAAH badel kheyr ugu bedelo.

Sh. Daahir Aw- Cabdi iyo Sh.Maxamed Macalin oo kamid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waawayn ayaa u duceeyey walaalaha deeqdan soo dhiibay ,isagoona ballanqaaday in dadka loogu talagalay gaarsiinayaan.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online