Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ka hadlay Maamulada ka jira Soomaaliya.[Dhagayso]

August 31, 2015 - Written by Editor

Jawaari1Muqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada Muqdisho loogana hadlayey dib u eegista Dastuurka Qabyada ee Dalka ayaa waxaa uu sheegay in maamullada ka jira dalka marka laga reebo dowladda Puntland ay yihiin kuwo aan heysan wax sharciyo ah oo buuxda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa yiri ” Wax la yiraahado dowlada goballeed uu aqoon san yaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jiraan oo aan ka ahayn Puntland oo ka horeysay Dastuurkaan wax kale oo dhan waa maamulo ku meel gaar ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn.”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim ah ay tahay in saxaafadda iyo siyaasiyiinta hadalada ay adeegsanayaan ay u heleen sharciyad. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan jawaari ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in la fahmo shuruudaha ay maamulada ku noqon karaan dowladda Gobolleed xubin ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo uu sheegay in guddiga xuduudaha ee baarlamaanka loo igmaday arrimahaas lana dardar gelin doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sidoo ale sheegay in Puntland looga baahan yahay oo kaliya in Dastuurkooda ay waafajiyaan midka Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u dhamaystiranto in ay ka mid noqoto dowladda xubita ka noqonaya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari

[audio: http://k001.kiwi6.com/hotlink/v63q64pmuk/jawaari.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online