Jaamacadda Bariga Africa iyo Jaamacadda ku taal Swedan oo wada bilaabaya kulliyadda Solar System.[Masawirro]

August 2, 2015 - Written by Editor

5-450x253Garoowe:-Waxaa maanta Xarunta Jaamacadda Bariga ee magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Gobalka Dalarna ee dalka Swedan Mursal Ciise kaasi oo dhawaanahan Puntland ku joogay booqasho rasmi ah. Mursal Ciise Gudoomiyaha Gobalka Delarna ee dalka Swedan ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta jaamacadda sida ay usoo dhaweeyeen, waxana madaxda Jaamacadda iyo Ganacsatada waawayn ee Puntlanduga mahad celiyeen sida uu had iyo jeer uga shaqeeya arrimaha horumarinta waxbarshada Heerka Jaamacadaha.

Soo dhawaynta kadib waxaa kulan gaar ah wada qaatay Gudoomiyaha gobalka Delarna Madaxda Jaamacadda bariga Africa madaxda ugu sarraysa Shirkadaha Golis iyo Nec iyo xildhibaan Siciid Cabdi Samatar oo ka tirsan barlamaanka Puntland kaasi aad loogu falaanqeeyay waxbarshada Puntland iyo sida horumar loogu samayn karo.

Shirka waxaa kasoo baxay xiriir cusub oo dhanka waxbarshada ah oo dhex maraya Jaamacadda Bariga Africa iyo Jaamacadda Dalarna ee dalka Swedan, waxana labada jaamacadood ay wada bilaabayaan Facult cusub oo lagu baranayo Cilmiga Tabarta Qorraxda(Solar System Energy).

Ugu horrayn sheikh Maxamuud Xaaji yusuf Gudoomiyaha jaamacdda bariga Africa ee Garoowe ayaa sheegay inay uga mahad celinayaan gudoomiyaha gobalka Dellarna sida uu utageero horumarinta waxbarshada Puntland uuna uga shaqeeyay fududaynta xiriiro dhex mara jamacdada iyo Jaamacdo ku yaal wadamada Yurub, waxaana uu sheegay in barnaamijka waxbarsho ee cusub uu yahay kii ugu horeeyay ee abid laga hirgaliyo dalka.

Dhankiisa Gudoomiyaha Gobalka Delarna ee Swedan Mursal Ciise ayaa sheegay in uu diyaar u yahay sii wadida horumarinta waxbarshada iyo adeegyada kale ee bulshada, uuna hadda doonayo inuu sii xoojiyo xiriirka udhexeeya jamacadda bariga Africa iyo jaamacdda ku taal gobalka uu gudoomiyaha ka yaay ee Dalarna.

Kulliydda cusub ee lagu baranayo tabarta qorraxda iyo ka faaidaysigeeda ee ay wada hirgalin doonaan Bariga Africa iyo Dilarna waxana dhaqaalaha ku baxaya ballan qaaday shirkadaha ganacsiga ee kakala shaqeeya Koroontada iyo Isgaarsiinta ee Golis iyo NEC.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Siciid Adan Axmad iyo mareeyaha guud ee shirkadda NEC Cabdifataax Maxamed Cabdi ay ballan qaadeen labaduba inay dhaqaalaha ku baxaya kulliyadaasi bixin doonaan ayna dufcadda ugu horraysa kulliyadda oo noqonaya 30 Arday ay iyagu ka bixin doonaan ka dibna shaqaalaysiin doonaan.

Jaamacdda bariga Africa waxa ay sanadkan bilabayasaa kulliyada cusub oo lagu baranayo caafimaadka iyo umulisinimada waxaana wada qabanaya jamacadda bariga Africa iyo Jaamacadda dilarna, waxaana jaamacaddu inta badan ku tiirsan tahay ganacsatada Puntland iyo dadka Shacabka ah.

no images were found

Nuur Jaamac
Garowe,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online