Machadka Al-Faaruuq oo laga furay Bacaadweyn. (Masawiro)

August 26, 2015 - Written by Editor

DSC04093Gaalkacyo:-Machadka Barashada Shareecada Islaamka iyo Carabiga ee Al-Faaruuq waa Machadkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo laga furo Gobolka Mudug, waxaana la furay 01/02/2006 dii, Markii la arkay baahida loo qabo Macaahid lagu barto Shareecada Islaamka iyo luuqadda Carabiga.

Machadku wuxuu xubin ka yahay Raabida Macaahidda Sharcigaa ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahay labo heer oo kala ah:
1- Dugsiga dhexe Saddex sano.
2- Dugsiga sare Saddex sano.

Waxaa ka qalin babiyey Machadka intii uu furnaa Machadku 8 lood.
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen Maamulka Magaalada Bacaadweyn Odaayasha , Waheenka , Dhalinyarada , Wufuud ka kala timid Xarfo Cagaaran iyo Gaalkacyo iyo dhamaan Dadweynaha Bulshada ayaa waxaa xariga looga jiray Xarun Cusub oo Machadka Al-faaruuq uu ku yeelanayo Magaalada Bacaadweyn.
Sh.C/raxmaan Maxamed (Bosaso) oo kamid ah Aasaasayaasha Machadka ayaa ugu horayn Xaflada kalmad soo dhawayn ah iyo Sharaxaad Machadka ku saabsan soo jeediyay waxaana uu sheegay in Machadku uu yahay Machadka Heer sare ah Ardaydiisa Qaar kamid ahna hada ay BHD diyaariyaan.

Maamulka Magaalada ayaa waxaa Magacooda ku hadlay Maxamed Cumar Diraac waxaana uu sheegay in Qofka aan Diinta baran uusan wax tar ahayn.

C/daahir Faarax Bootaan oo Afka Odaaysha Magaalada ku halday ayaa wuxuu uduceeyay Dadkii Machadka hawshiisa soo abaabulay wuxuuna Bulshada kula dardaarmay inaysan waxyaabo iska yar yar uga mashquulin Machadka oo ay ka faaidaystaan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Mudug Ustaad Maxamed Siciid Muuse oo Xaflada kalmad kasoo jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in Macaahida noocaan oo kale ah lagu faaiday ayna arintaasi aad u garanayaa Dadka Dagan Deegaanada Macaahida leh.

Sh.Cilmi Yuusuf Axmed Maamulaha Machadka Al-faaruuq Gaalkacyo ayaa isaguna waxaa uu dhankiisa Adkeeyay Muhiimada Barashada diinta wuxuuna sheegay qofkii aan diinta baran inuu Danbi kujiru uuna Dayacay Waajib Alle saaray, isagoo Bulshada ku booriyay taageerida Machadka Naf iyo Maalba.

no images were found

Waxaa kale oo ka hadlay Xaflad Sh.C/qaadir oo ka socday Xarfo, Sh.Sadaan oo Cagaaran ka socday iyo Siciid Maxamed Jaamac Gudoomiyihii hore ee Magaalada oo sheegay inuu noqonayo Qofka ugu horeeya oo Machadka iska diiwaan galiya.

Si kastaba ha ahaatee Machadka ayaa waxaa uu soo dhawayn balaaran ka helay Bulshada Magaalada Bacaadweyn, Xafladii xariga looga jarayna waxay kusoo dhamaan Guul iyo Jawi Dagan.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Gaalkacyo – Mudug – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online