Madaxweynaha Dawladda Puntland oo soo xiray Shirweynaha Wada-tashiga Puntland.[Cod/Masawiro]

August 29, 2015 - Written by Editor

IMG_2425Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-8-2015 si rasmi ah waxaa uu u soo xiray  Shirweynaha Wada-tashiga Puntland. Shirweynahaan ayaa waxaa uu u socday Ergooyin badan oo isugu jira rag iyo dumar laga soo kala xulay Gobalada Puntland , waxaana soo xiritaankiisa maanta goob joog ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo masuuliyiin kale duwan.

Ujeeda guud ee shirka oo aheyd in la adkeeyo wada jirka Bulshada Puntland, lana taban-taabiyo Nabadda, kalsooniada iyo is aaminaada bulshada , lana xaqiijiyo midnimada umadda iyada oo la marayo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha shirka ka jeediyey khudbad dheer oo taariikhi ah dhinacyo badana taabanaysa ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay soo dhaweynayso qodobada ka soo baxay shirka mudadii uu socday.

‘’ Go’aamada aad isku raacdeen shirka anana waan idinku raacnay , waxaana la rabaa go’aamada aad isku raacdeen inay fulaan , anagu waan fulinaynaa laakiin idinka haydinka fusho ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in toban sano kabacdi in shirkaan shir lamid ah ay isugu yimaadaan umadda reer Puntland , isagoona ku amaanay ergooyinka isu imaanshaha shirkaan qaran.

Shirkaan ayaa noqonaya hadii eebe idmo mid xoojinaya xiriirka bulsho ee Puntland, iyadoo laga shidaal qaadanayo rabitaankii jiray shirweynihii lagu asaasay Puntland 1998-dii lana tixgelinayo daruufaha jira .

no images were found

[audio: http://k001.kiwi6.com/hotlink/u1nnnkt1sg/Qodobada-Shirka.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online