Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Booqday Jiida Hore ee Deegaanka Godad (Masawiro)

August 29, 2015 - Written by Editor

thumbs_img_1953Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-8-2015 booqday ciidanka ku sugan jiida hore ee deegaanka Godod oo qiyaastii 30-kiilo mitir ujirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaankaasi waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan jiida hore ee difaaca deegaanka Godod.

Ciidankan oo u tababar difaacida dalka ayaa wajiyadooda waxa laga dheehanayey farxad iyo reyn reyn, waxaana ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay u difaaci lahaayeen Diinta, Dadka iyo Dalkooda oo ay u dhaarteen.

Madaxweyne Gaas ayaa ciidanka iyo saraakiishooda ku amaanay dadaalka ay wadaan, isagoona ku booriyey in ay laba jibaaraan difaacidda dalkooda iyo adkeynta nabadgelyada .

no images were found

Madaxweynaha ayaa intaas kadib kormeeray ceel riig ah oo laga qodayo deegaanka jeexdin oo u dhaxeeya deegaanka Godod iyo magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Ceelkaan ayaa maraya heer gebo gebo ah , waxaana uu gudiga wada qodista ceelkaas ku bogaadiyey howsha ay hayaan, maadama uu yahay ceel la rabo inay kawada faa’iideystaan shacabka Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online