Madaxweynaha Puntland oo la kulmay gudiga Amniga iyo Garsoorka gobalka Mudug

August 22, 2015 - Written by Editor

IMG_0743Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-8-2015 hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kula kulmay gudiga amniga iyo Garsoorka ee uu dhawaan magacaabay.

Gudiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha habaca geliyey amaanka iyo cadaaladda , taasi oo ay ugu weyntahay wada shaqeyn la’aan u dhaxaysa hay’addaha Amniga iyo Garsoorka Gobalka Mudug.

Intuu uu socday kullanka ayaa waxaa ka qeyb-galay iyana Madaxda Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka Gobalka oo ay kamid ahaayeen Booliiska, Xeer ilaalinta maxkamadaha  iyo Asluubta.

Saraakiishi ka socday dhammaan hey’adahaasi ayaa Madaxweynaha hortiisa mid walba dhankiisa qirtay khaladaadka jira, waxaana ay balan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeynayaan si ay ugutaan waajibaadka qaran ee saaran.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintaasi ku booriyey in ay la yimadaan shaqo hufnaan , daacadnimo una cadaalad falaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidookale shacabka  Gobalka Mudug qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo Garsoorka kalsooni buuxdana ay ku qabaan .

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa siweyn looga dareemaya hagaajinta bilicda iyo sugida amaanka , iyadoo ay maanta gudiga qaabeynta magaalada ay burburiyeen dhul badan oo bilcda magaalada wax u dhimayey, dad badana waxaa ay si iskood ah u baneeyeen iyana dhulka Dawladda.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online