Madaxweynaha: ‘’Taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya muhiim ayay u tahay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalkeena’

August 31, 2015 - Written by Editor

dhaxalsugeMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan. Madaxweynaha oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulankaasi kaga waramey xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba u fidiyo Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay ka dib.

Labada dal ayaa kulankaasi ka caddeeyay inay xoojiyanaan iskaashigooda, sida dhinacyada maalgashiga, taageerada dib u dhiska, kaabeyasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley muhimadda in nabad laga dhaliyo dalalka Carbeed ee colaadaha ay ka jiraan.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey. Kulankaasi ayaa ku soo idlaadey jawi is-afgarad leh.

DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online