Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo ka dhagax dhigay Xarunta madaxtooyada iyo xarumo Wasaaradaha Puntland qeybtood.[Masawiro]

August 30, 2015 - Written by Editor

IMG_2485Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-8-2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhagax dhigay  Xarunta Madaxtooyada Puntland , Wasaaradda Ganacsiga , Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha , Bankiga dhexe ee Dawladda iyo taliskii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Dhagax dhiga xarumahaasi waxaa sidookale goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka degmada Gaalkacyo, maamulka Gobalka Mudug, xubno katirsan golaha deegaanka , waxgarad iyo masuuliyiin kale .

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo oo la dhisayo, maadama dhawaan ay dawladdu xaruntaasi iyo xarumo kale oo dawladeed ay ka saartay  dadweynihii ay gacanta ugu jireen.

Madaxweynaha ayaa sidookale dhagax dhigay Wasaaradda Ganacsiga , Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha , Bankiga dhexe ee Dawladda iyo saldhigii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.

‘’Aaad bay sharaf iigu tahay inaan dhagax dhigo xarumahaasi dawliga ah , weyna ku mahadsanyihiin gudigu shaqada wanaagssan ee ay qabteen ee ah baneynta guryaha dawladda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey shacabkii sida wanaagsan u wareejiyey guryihii Dawladda ee ay kujireen , waxaana uu sheegay dhammaan xarumahaasi la baneeyey in loogu adeegayo shacabka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa si habsami leh uga soconaya baneynta guryaha dawladda , qaabeynta iyo hagaajinta wadooyinka magaalada iyo sugida amaanka guud ee Gobalka Mudug ee Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online