Madaxweyne Gaas oo kormeeray xarumihii Dawladda ee laga saaray dadweynaha.[Masawiro]

August 22, 2015 - Written by Editor

20Gaalkacyo:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe si rasmi ah u kormeeray xarumaha Dawladda ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo dhammaan laga saaray dadweynihii deganaa iyo kuwii ku ganacsan jiray lana burburiye.

Xarumaha uu kormeeray Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Xaruntii hore ee Gobalka oo la burburiyey laguna wado in Madaxtooyada Gaalkacyo laga dhigo iyo sidookale xaruntii howlaha guud , Bankigii hore , kaalinkii hore ee shidaalka dawladda iyo suuqa xera dayax, waxaana uu indha indheeyey dhulka Dawladda ee ay shacabku baneeyeen.

Haween iyo dhalinyaro badan wajiyadoodana laga dheehanayey farxad iyo reyn reyn ayaa isugu soo baxay wadada laamiga ah hareeraheeda , waxaana ay tumayeen sacab iyo mashxarad ay kusoo dhaweynayeen Madaxweynaha oo si kalsooni buuxda kujirto ku dhex lugeynayey laamiga weyn .

Muwaadin lagu magacaabo Cumar ayaa afaafka hore ee Bankigii hore ee Dawladda waxaa uu madaxweynaha ku wareejiyey furayaashi xaruntaas, madaxweynaha ayaana talabadaas ku tilmaamay mid ku dayasho mudan.

‘’ Waxaan ku talinayaa in muwaadiniinta kalena ay ku daydaan cumar , soona wareejiyaan xarumaha dawladda iyagoo mahadsan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa dhammaan shacabkii deganaa xarumahaas la baneeyey uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen baaqii Dawladda ee ahaa in muwaadiintu ay baneeyaan xarumaha Dawladda si shacabka loogu adeego, maadama ay yihiin hanti qaran.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ay cagta saartay dhabada horumarka iyo Nabadgelyada , shacabkuna waa kuwo u heelan ka faa’iideysiga horumarka baaxada leh ee soconaya .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online