Mutamarka 23aad ee ka socda magaalada Aarus oo galay maalintii 3aad (Masawiro)

August 1, 2015 - Written by Editor

IMAG0515Aarus:-Waxaa si habsame leh uga socda magaalada Aarus ee caasimada labaad ee dalka Denmarka Mutamarki Islaamiga ahaa ee 23aad ee sanad walba lagu qabto wadamada Iskandinavianka waxaana saaka muxaadarii 1aad jeediyey Sheekh C/raxmaan Abyad xafidahulaah .

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu muxaadaradiisa kaga hadlay fadliga saxaabada iyo cadaawada iyo beenta ay ka faafiyaan firqooyinka lusan gaar ahaa kooxha Shiicada.

Sheekh C/raxmaan abyad ayaa waxaa uu si faahfaahsan u soo bandhigay fadliga saxaabada iyo wanaaga badan ay leeyihiin saxaabada alaha ka raali noqdee .

Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah ayaa waxaa si faahfaahsan u soo bandhigay riwaayadaha beenta ah oo ay kooxaha ahlu bidac  kuwaas oo wax uga sheegaan qaar ka mid ah saxaabada gaar ahaan Abu Hureyra iyo Cali Ibnu Abi Dhaalid.

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa sidoo kale wuxuu soo gudbiyey qaabka qofka Muslinka ah uu uga gaashaaman karo beenta iyo dhagarta gaalada iyo kooxaha lunsan.

Muxaadarada labaad ayaa waxaa galay Sheekh Dr Cismaan faarax Xafidahulaah wuxuuna Sheekha muxaadaradaiisa uga hadlay fitnada maalka iyo dhibaatada ay ku heyso dunida iyo qaabka uu islaamku u maareeyey

Sheekh Dr Cismaan Faarax ayaa waxaa si qiimo leh uga hadlay wanaaga Islaamka iyo sida uu u maamulay Maalka iyo sida umada Muslinka ah looga digay in ay ku fitnoobaan aduunka iyo dhaldhalaalkiisa wuxuuna soo naqliyey tusaalooyin kala duwan oo cadeynaya  fitnada Maalka iyo sida umadaha uu u halaagay  sida qaaruun.

Sheekh Dr Cismaan Faarax ayaa waxaa kale uu sheegay in mashaakilka iyo dhibaatada ka taagan caalamka ay  kuligood sabab u tahay aduun gacayl iyo Fitnada Maalka wuxuuna sheekhu sheegay in laba fitno ay khatar ku hayaan dunida waxaana ay kala yihiin  1-Fitnada Shahawaadka iyo Fitnada Shubahaadka.

no images were found

Sheekh Dr Cismaan Faarax ayaa dardaaran u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee soo camirtay Mutmarka Islaamiga ee 23aad ee ka socda magaalada Aarus wuxuuna ku waaniyey alle ka cabsi in ay xasuustaan geerida iyo in ay ku dadaalaan cilmiga sharciga ah iyo xalaasha oo la quuto

Halgan.net
Aarus
Denmark

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online