Mutamnarkii 23aad ee Islkandaneviyanka oo lag soo gabagabeeyey magaalada Aarhus(Daawo Masawiro)

August 3, 2015 - Written by Editor

IMG_0387Aarhus :-Waxaa shalay galabata lagu soo gabagabeeyey Mutamnarkii 23aad ee Islkandaneviyan ka magaalada Aarhus kaas oo lagu qabtay sanadkan magaalada Aarhus ee caasimada labaad ee dalka Denmark.

Mutamarka sanadkan ayaa waxaa uu lahaa xiiso gaar ah waxaana laga jeediyey muxaadarooyin kala duwan waxaa sidoo kale soo qeyb galay Mutamarka sanadkan dhaqaatiir Soomaali ah waxaana dhaqaatiirta ku soo dhaweeyey makafoonka Eng.Axmed Jabriil isaga u mahad celiyey gudiga qabanqaabada Mutamarka iyo Masuuliinta Markazka AArhus ee Al-Taqwa oo sanadkan qabtay Mutamarka Islaamiga ee 23aad ee Islkandaneviyanka waxaana cinwaanka nadwada dhaqaatiirta cinwaan looga dhigay (Fitnooyinka Cuntada ).

Intaas ka dib ayaa waxaa warbixin kooban soo bandhiga waxqabadka Ururka Dhaqaatiirka Soomaaliyeed
( Somaliska Sundheds Forbund )  Bahda Caafimaadka ee Soomaaliyeed Dhaqtar Shirwac C/laahi Aden wuxuuna soo gudbiyey waxqabta ururka dhaqaatiirta iyo shirarka ay ku qabteen dalka Denmark Gudihiisa .

Dhaqtar Shirwac C/laahi Aden ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan dadaal ay wax ugu qabanayaan isbitaalada dalka Soomaaliya kuwaas oo u baahan gacan qabad.

Dr Maslax Cumar ayaa intaas ka dib lagu soo dhaweeyey makarafoonka waxaana uu ka hadlay khatarta cudurada sokorta iyo dhiikarka isaga oo soo bandhigay calaamadaha lagu garto iyo qaabka ugu fudud ee looga hortagi karo .

Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey Makarafoonka Dr Cabdi Faarax waxaana uu ka hadlay khatarta istareeska ama walwalka kaas oo ku badan wadamada Yurub iyo sida looga hortago wuxuuna dardaaran guud siiyey dadweynihii ka soo qeyb galay mutamarka .

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyey gabagabadii makarafoonka Dr Xusen Cabdi Ayuub waxaana uu ka hadlay khatarta cudurka Cagaarshoowga ,calaamadahiisa ,inta uu u qeybsamo iyo calaamadaha lagu garto.

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Mutamarka ka soo qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah.

1-Eng.Axmed Jabriil
2-Shirwac C/laahi
3-Maslax Cumar
4-Ciise Faarax
5-Xusen Cabdi Ayuub
6-Cabdi faarax Taano .

no images were found

Markii la soo tukaday salaada casar ayaa waxaa muxaadaro qayim ah oo ka hadleysa geerida iyo dhibaatada qiyaamaha soo jeediyey Sheekh Maxamed Idirs Axmed Xafidahulaah waxaana ay ahayd muxaadaro loo wada baahnaa oo dadweynaha ka soo qeyb galay mutamarka Islaamiga ah ee 23aad xasuusisay qiyaamaha iyo xisaabta ka danbeysa qof walba oo dhinta.

Intaas ka dib ayaa waxaa kale oo Mutamarka laga jeediyey laba muxaadaro oo kala ah Fitnada Xagjirnimada waxaana jeediyey Sh Dr Cabdi Weli Maxamed Yuusuf waxana uu Sheekh ka hadlay xadgudubka diineed iyo khatarta uu leeyey iyo sida uu u halaago umadaha .

Waxaa sidoo kale Muxaadaro qiimo badan isna jeediyey Sheekh C/raxmaan Sh Cumar waxaana uu ka hadlay Fitnada Carabka iyo in loo baahan yahay qof walba in uu ilaaliyo carabkiisa .

Sheekh Dr Cabdi Nuur Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu isna jeediyey muxaadaro aad u qiimo badan wuxuuna ka hadlay cudurka Soomaali dilooday ee Qabyaalada iyo sida ay umada u indho tirtay .

Sheekh ayaa adaa ugu dheeraaday xumaanta qabyaalada isaga oo soo naqliyey adilooyin aad u badan iyo tusaalooyin casrigii jaahilga wuxuuna Sheekhu is barbabr dhigay qabyaalada xun ee Soomaali ka dhigtay qaxootiga iyo tii casrigii Jaahilaga.

Ugu Danbeyntii ayaa Dr Cabdi Nuur Maxamed Maxamuud wuxuu kula dardaarmay umada Soomaaliyeed gaar ahaa dadweynihii ka soo qeyb galay Mutamarka in ay ka fogaadaan xumaanta qabyaalada ayna noqdaan kuwa ka shaqeeya maslaxada guud ee umada iskuna jeclaadaan alle dartiis.

Waxaa sidoo kale muxaadaradaad ku baxayey afka Englishka ka jeediyey Sh Maxamed Sh Cali Mowliid wuxuuna kala hadlay dhalinyarada khatarta ay leedahay Socail Mediyaha iyo sida looga faa,ideysan karo kheyrka wuxuuna dhalinyarada kula dardaarmay cabsida alle iyo ku xirnaanta culimada.

no images were found

Waxaa sidoo kale Mutamarka lagu soo bandhigay waxqabadka Urur ay ku bahoobeen dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhaqan magaalada Copenhagen kana mid ah ah Ardayda Masjika Al-Tawxiid waxaana Ururka la yiraahdaa (Horn Africa Aid) dhalinyarada ayaa soo bandhigtay waxqabadkooda sanadkan iyo mustaqbalka waxay damacsan yihiin.

Gudiga iyo Maamulka Markazka Al-Taqwa C/raxmaan Maxamed  iyo Xiriiriyaha Mutamarka C/risaaq Sanweyne ayaa gabgabadii u mahad celiyey dhamaan dadweynihii ka soo qeyb galay Mutmarka ,Culimada ,Somali Media ,oo duubayey Mutamarka qeyb weyna ka qaadatay tayada cajaladaha waxayna Somali Media soo shaqeynaysay mudo aad u dheer gudiga ayaa sidoo kale u mahad ceiyey Shabakada Wararka Halgan.net oo si Live ah u tabineysay Mutamarka lagana daawanayey daafaha dunida.

Gabagabadii Mutamarka ayaa waxaa nadwa guud galay culumada ka soo qeyb gashay mutamarka 23aad ee slkandaneviyanka waxayna ka jawaabeen dhamaan su,aalihii ay soo gudbiyeen dadweynihii soo camiray Mutamarka waxaana shahaadooyin culumada gudoonsiiyeen arday wax ka barta Machadka Al-Zeylaci.

Halgan.net
Aarus
Denmark

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online