Ra’iisul wasaarah DFS Dr Cumar Cabdirashiid oo laga sugayo Kismaayo

August 27, 2015 - Written by Editor

sharmaakeKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha DFS Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake la filayo in uu gaaro maanta magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.  Wafdiga Ra’isal Wasaaraha DFS Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah Golahiisa wasiirada , Xildhibaano ,iyo Saraakiil ciidan , Ilaa hadda si rasmi ah looma oga u jeedka Socdaalka ee uu Ra’isal Wasaaraha DFS Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu ku tegayo Kismaayo balse waxaa la qiyaasayaa in socdaal uu salka ku hayo siddii xal waara looga gaari lahaa khilaafka xooggan ee u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo  iyo Madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha DFS Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu horay u magacaabay gudi wasiira ah oo la xaajooda maamulka Jubbaland halka Xildhibaanada DFS qaarkood ay loola u galeen mooshin in laga keeno maamulka Jubbaland taas oo sii xoojisay khilaafka maamulka Jubbaland iyo DFS.

Amaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey waxaan dhici karta in saacaddaha soo socda uu magaalada Kismaayo soo gaary wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha DFS Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online