Ra’iisul Wasaaraha DFS oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka

August 31, 2015 - Written by Editor

IMG_5098Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday degaanada Puntland, Gal-Mudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Sh/hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga tashanayay sidii bulshada rayidku qeyb uga qaadan laheyd Qabyo-tirka Dastuurka dalka.

Gabagabadii kulankan ayaa laga soo saaray 14 qodob, oo ay bulshada rayidku u aragtay inay ku haboontahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka Qabyo-tir lagu sameeyo, waxayna ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda loo fahamsiin lahaa Dasatuurka, looguna wacyigelin lahaa dhowristiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in bulshada rayidku ay laf dhabar u yihiin Qabyo-tirka Dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex dhexaad u ah bulshada, una adeega.

“Dalkeena waxa halkaan dhigay waa Xasilooni darri siyaasadee, waxa maanta aan ka shaqeyneynona waa sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka, si loo helo xasilooni siyaasadee, maadaama Dastuurku qeexayo awoodaha Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo kula dar daarmay wakiiladii bulshada rayidka in aysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan danaha ummadda iyo wacyiga dalka.

“Mudada yar ee aanu heysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku dhameystirno Dastuurka, isla markaana dalka loo helo nidaam suurtagalin kara doorasho, maadaama aan la socono in dalka maanta aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar, wuxuuna ugu dambeyntii kula dardaarmay in wax kasta loo waajaho wadajir iyo wadatashi.

DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online