Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

August 30, 2015 - Written by Editor

medium_2qP9GLr3Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ku xigeenkiisa C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere ,masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Jubbaland iyo dadweyne fara badan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa, Xildhibaano , wasiir ku xigeeno iyo Xeer ilaaliyaha guud ee DFS. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ku yimid magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu salka ku hayaa siddii xal looga gaari lahaa Khilaafka ka dhex aloosan maamulka Jubbaland iyo DFS.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa joogi doono hal maalin magaalada Kismaayo waxaan uu wada xaajood ah la qaadan doonaa Madaxda Jubbaland si loo soo afjaro khilaafka iyo is faham la’aanta ka dhex jirta DFS iyo Jubbaland.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online