Shirkii 14-aad ee Golaha Imaamyada oo si habsami leh ku soo afmeermay qodobo muhiim ahna ay ka soo baxeen

August 27, 2015 - Written by Editor

4Minneapolis:-Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Soomaaliyeed ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa ku qabtay sanadkan Xarunta wayn ee Abuubakar ee Minneapolis, shirkaas oo ahaa, kii 14-aad. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhowaad boqol xubnood oo isugu jira, imaamyada iyo maamulada Maraakista/Masaajida uu ka koobanyahay golahaan, xubnahaas oo ah golaha shuurada oo ladoorto sadexdii sanoba hal mar. Waxaa shirka sanadkan sharaf u ahayd inuu kasoo qayb galay Sh. Yusuf Aadan oo ka mid ah culummada waawayn ee Soomaaliyeed iyo aabayaasha Dacwada Islaamka ee Soomaaliya. Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay marti sharaf kale iyo saxaafada.

Shirka sanad kan ayaa looga hadlay arimo muhiim ah oo marka la koobo noqon karta, sidii loo hormarin lahaa dacwada kasocota North Amerika, isla markaasna loo ilaalin lahaa qiyamka ay leedahay ummada Soomaaliyeed. Sidoo kalena shirka ayaa laga soo saaray Bayaan iyo qodobo muhiim ah oo meelo badan taabanaya.

Qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa, warbixno laga dhagaystay Masuuliyiinta ka socotay 27 Xarumood/Masaajid oo hada Majlisku marayo, sida; horumarka dacwada iyo caqabadaha haysta, masaajidada horay loo iibiyey oo ebyoomay iyo kuwa aan wali dhamaystirmin. Tayeynta iyo horumarinta dacwada guud ahaan, Barnaamij loo soo gaabiyo CVE, (ka hortaga argagixisada cunfiga ku dhisan) Sh. Maxamed Idris iyo culummo kale oo Maraykanka maxkamad uga socoto, arintooda, Doorashada labada gole ee Goluhu ka koobanyahay, fulinta iyo Shuurada oo sanadkan doorashadoodu dhacday, sidii loo dar dargalin lahaa ka illaalinta da’yarta iyo qoysaska Soomaaliyeed ee Maraykana ku nool oo khataro badan baylah u ah, iyo sidii loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan, maamul ahaan iyo waxqabad ahaanba Ha’yadan wayn Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, ee ay ku midaysanyihiin kudhawaad 30 Maraakis oo ku yaala inta badan gobolada ay Soomaalidu kadagantahay Dalkan Maraykanka.

Qodobadii laga hadlay qaar ka mid ah;

1- Sanadkaan waxaa ladoortay Golaha shuurada ee sadexda sano ee soo socota xilka hayn doonta, waxayna kala yihiin sidan; Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar Gudoomiye, Sh. Axmed Nuur kuxigeen, Sh. Yusuf Cabdulle xoghayn, Sh. Cabdullaahi Nuur (Abul Fadli) Xiriirka bulshada, Naasir Warsame Khasnaji.

2- Golaha Fulinta waxaa Gudoomiye loo magacaabay Sh. Xasan Mohamed Jaamac (Sh. Xasan Dhooye) oo uu badalay Sh. Abul Fadli oo tobon sano horay u hayey xilkaas.

3- CVE barnaamijkan ayaa falan qayn dheer kadib la go’aan saday inuusan mushtamaceena faa’iido u lahayn, ayna dhici karto in dhibaato kasoo gaarto hadii la hirgaliyo, sidaa daraadeedna inaan Golahu qayb ka noqon barnaamijkaas. CVE waa barnaamij tijaabo ah oo ay wado dowlada Fedaraalka Marayka, tusaale ahaan gobolkan Minnesota waxaa barnaamijka wada oo Soomaalida u keenay Xeer ilaaliyaha guud ee gobalka, laamaha amnigana ay hoostagaan, barnaamij kaasoo ku wajahan dadka kasoo jeeda qaar ka mid ah wadamada agragixisada ay ka howl gasho, sida; Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa waxaa ka biyo diiday kana hor yimid ha’ydo waawayn oo u dagaalama xuquuqda dadka rayidka ah sida; Council on American–Islamic Relations (CAIR) iyo American Civil Liberties Union (ACLU) Golohuna wuxuu cadeeyey inuu hay’adahaas la mowquf yahay.

4- Sh. Maxamed Idris Maxkamadiisa oo dhacaysa 21 September 2015 kana dhacaysa magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa la go’aan saday in Sheikha la is garabtaago dhinacwalba, Maraakistana waxaa lagu wargaliyey in mushtama Soomaaliyeed lagu dardar galiyo sidii ay Sheikh Maxamed isu garab taagi lahaayee, waxaa maraakista laga codsaday inay mushtamaca ku wargaliyaan sida Sheikha isu garab taagi lahaayeen. Sidoo kale waxaa la isu garabtaagay, lagana dhagaytay warbixin Sh. Maxamed Kaariye oo isna Maxkamad kusocoto.

5- Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay lana go’aansaday, sidii hay’adan wayn ee golaha Imaamyada loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan iyo tayeyn ahaan dhinackasta. Hay’adan Golaha Imaamyada ayaa mudadii 15-sano ee ay jirtay ku mashquulsanayd dhisida iyo hirgalinta in ku dhow 30 masjid oo iyada hoostaga iyo barnaamijyo kale oo badan, sanadaha soo socda ayaa xooga la saari doonaa in la kordhiyo waxqabadka hay’adan maadaama baahida mushtamaca ay ka balaarantahay Masaajid.

Ugu danbayntii shirka ayaa laga soo saaray bayaan, taabanaya meelo badan loogana hadlay arimo khuseeya ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, shirka waxaa abaal marin farabadan lagu gudoon siiyey Sh. Cabdullaahi abul Fadli looga mahad celiyey shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey. Sidoo kalena 5 xubnood ee shuuradii hore ayaa abaal marin lasiiyey.

Dhamaadkii shirka ayaa waxaa saxaafada lahadlay Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, faah faahina ka bixiyey go’aanadii shirka. Sidoo kale waxaa Saxaafada lahadlay Sh. Xasan Dhooye oo ah Gudoomiyaha Fulinta ee cusub, isagoo ka warbixiyey dareenkiisa ku aadan xilkaan iyo waxqabadka uu maagan yahay mustaqbalka. Gabagabadii shirka ayaa lagu soo xiray duco iyo dar daaran guud. Wufuudii oo ka kala timid in ku dhow labaatan gobol oo Maraykan kuyaala waxay dib ugu noqdeen xarumahoodii.

no images were found

Hoos ka akhri Bayaanka oo goluhu soo saaray.

bayaankii shirkii 14-aad ee golaha 2015

 

Majliska Imaamyadda W/Maraykanka
Minneapolis Minnesota

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online