Shirweynaha wadatashiga Puntland ee ka socday magaalada Gaalkacyo oo galay maalintii Labaad

August 26, 2015 - Written by Editor

IMG-201Gaalkacyo:-Shirweynaha wadatashiga Puntland ee ka socoda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa galay maalintii labaad iyadoo ay ka soo qeyb galayaan ergooyin ka kala yimid gobalada Puntland.

Shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa shalay waxaa si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkcayo ee xarunta gobalka Mudug Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Shirweynaha wadatashiga Puntland oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ku soo biiray ergo iyo wasiiro hor leh oo ka socoda golaha xukuumada Puntland waxaa sidoo kale yimid xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waxgaradka ku sugan Shirweynaha wadatashiga Puntlandayaa ujeedada shirka waxay ku sheegeen inay tahay wadajirka bulshada Puntland ,Xalinta Khilaafaadka ,iyo hergelinta nidaamka xisbiyada badan.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Shirweynaha wadatashiga Puntland uu sii socon doono ilaa 29 bishan .

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online