Sidii ay Gabadhu u dooran lahayd Gayaankeeda [Masawiro]

August 2, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Golaha ardayda Al-furqaan ee hablaha Machadka Al-furqaan ka qalin jabisay ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa tababar socday shan maalmood u soo gaba gabeeyey maalinamdii shalay.  Tababarkan oo loogu talagalay inay ka faa’idaystaan hablaha dhalinyarada ah ee waxbarashooda ka gudbay fasalka 12 aad ee dugsiga sare , sida machadka diiniga ee Alfurqaan iyo qoysaska ku dhaqan magaalada sidii ay uga dhigi lahaayeen noloshooda cusub iyo qoysaska ka dhisan magaalada kuwo toosan dhabadii toosnayd ee shareecada Islaamka u jeexday.

Tababarkan oo socday mudo shan casho aya waxaa ka so qayb gaay qayabaha kala duwan ee hablaha dhameeyay waxbarasada dugsiyada sare iyo dhigta Jaaamacadaha deegaanka iyo hooyooyinka ku dhaqan magaalada Laascaanod iyo qaybihii kala duwanaa ee dufcadihii ka qalin jabiyay machadka Al-furqaan ee Laascaanood .

Inti ay socotay Tababarkani( Dawradani) ayaa waxaa lagala hadlay sidii ay habluhu u fududayn lahaayeen guurka , isla markaana ugu dhaqmi lahaayeen sidii uu Suubanihii nabigeena uu jideeyay. 

Intii ay socotay Tababarakanu waxaa casharo ka soo jeediyay Hooyooyinka aqoonyahanada ah ee ku dhaqan magaalada , iyo maamulkla golaha hablaha ee ardayda qalin jabisay machadka alfurqaan. Waxaaa waayadaan uu noqday guurku waxa ugu adag uguna culus ee dhalinyarada ku dhaqan magaalooyinka Somalia Raaskaan boonay ilaa Raas Casayr 

Waxaa wel wel badana ku haya wiil walba iyo gabadh waliba, iyadoo ay jiraan duruufo badan ayaa ah dhibaaada ugu darani ay tahay Meherka oo qaali ah iyo dhisida qoyska . Ugu danayntii Golaha hablaha ka qalin jabisay machadka Alfurqaan ayaa ah gole ay ku midoobeen dhamaan dufcadihii ka qalin jabisay machadka Alfurqaan ayaa ha gole ka shaqeeya dacwada gobolka Sool.

no images were found


Mawlid Isma Haradigeed
Laascaanod, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online