Tafatiraha Halgan.net oo booqasho ugu tegay Sheekh Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur.[Masawiro]

August 4, 2015 - Written by Editor

2Mecca:-Mid ka mid ah tafatirayaasha Halgan.net ayaa booqday Sheekh Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur Xafidahulaah waxaa booqashada ku weheliyey Sh Axmed Cabdi Samed iyo Sheekh Maxamed Daahir Qayliye

Waxaa si wacan noogu soo dhaweeyey guriga Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur wiilkiisa Maxamed Shariif Cabdi Nuur Jazahulaah kheyr , Maxamed Shariif ayaa waxaa uu nooga warbixiyey xaaladda caafimaadka Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur wuxuuna noo sheegay in xaalada Sheekha ay haatan tahay mid ka wanaagsan  sidii hore , waxyar ka dib waxaan galnay qolkii uu ku jiray Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur runtii waxaa aad noo cajab galiyey markii aan u galnay Sheekha in uu daalacanayey sida caadada u ahayd oo uu gacanta ku heystay Kitaab ka mid ah kuwa Xadiiska ee Sunanka .
Salaan iyo marxabeyn ka dib ayuu Sheekh Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur na weydiiyey magacyadeena iyo halka aan ka nimid sidda caadiga u ah Sheekha waan isku sheegnay Sheekha intaas ka dib Sheekh Shariif Cabdinuur waxaa uu nagu bilaabay in uu na waaniyo isagoo noo dardaarmay in dacwada la xoojiyo muslinkana loo naxariisto ,Sheekha wuxuu intaas ka dib noo akhriyey sida kutubta Sunanka ay u kala saxiixsan yihiin .

Waxaa Booqashada igu wehliyey laba Sheekh ee kala ah Sheekh Axmed Cabdi Samed Xafidahulaah iyo Sheekh Maxamed Daahir Qayliye oo reer Mecca ah .

Sheekh Shariif Cabdinuur alaha xifdiyee waxaa wajigiisa ka baxayey Nuur waxaana ay maskaxdiisa xasuustaa Axaadiistii Nabigeena CSW ee uu umada uu bari jiray Sheekha Waxaan alle uga baryeynaa Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur in uu siiyo Cimri dheer iyo cibaado suuban iyo Caafimaad taam ah .

Waxaa kale oo Mahad gaar ah u celineynaa Maxamed Shariif Cabdi Nuur Jazahulaah kheyr oo si weyn noo soo dhaweeyey  waxaana alle uga baryeynaa in uu xifdiyo Aaaamiin

no images were found

Halgan.net
Mecca

 

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online