Wajiga 1-aad ee gurmadka qaxootiga Yemen oo la soo gaba-gabeeyey iyo guddiga Qaranka oo Lacag wareejiyey.[Video/Masawiro]

August 1, 2015 - Written by Editor

IMG_0426Boosaaso:-Waxaa lasoo gabagebeeyay wejigii 1aad howlgalkii lagu badbaadinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman, iyadoo loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee badbaadinta dadkaas. Kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Boosaaso labada gudi ee badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ay horkacayaan Culimada Soomaaliyeed iyo Puntland ayaa lagu shaaciyey arrimahan.

Guddiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan yabooha dhaqaale uruurinta maadaama howlgalka nafbadbaadinta ah ee qaxootiga Soomaaliyeed loogu gurmanaayo uu sii socon doono, isla markaana loo baahan yahay in loo sii diyaar garoobo maadaama howlgalka wejigiisa Koowaad ay ku baxday inta badan lacagtii dadka Soomaaliyeed ay yabooheen.

Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiyaha gurmadka qaxootiga Qaranka ayaa ku ammaanay dawladda iyo shacabka Puntland doorka muuqda ee wax u qabashada dadkan walaalahooda ah ee u baahan garab istaaga, waxaa kaloo uu xusay in wadashaqayn dhinacyo badan ay kala dhaxayso guddiga gurmadka qaxootiga ee Puntland.

Sh.Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku wareejiyey Guddiga Taakuleynta qaxootiga Yemen lacag dhan Lixdan iyo Sagaal kun iyo Laba Boqol oo Dollar oo loogu talagalay in lagu anba bxiyo dadkii ugu danbeeyay ee Yeman laga soo badbaadiyay.

Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta qaxootiga Yemen Shiikh.Axmed Daad ayaa ka mahad celiyey lacagta loogu talagalay dadkan walaalaha Soomaaliyeed ah ee u soo gaarsiiyey Sh.Baaruud una duceeyey dadkii ku tabarucay. Dhanka kale labada Guddiga ee u istaagay badbaadinta iyo wax u qabashada dadkan ayaa si rasmi ah loo mataaneeyey isla markaana si wadajir ah u wada qaban doonaan hawsha Gurmadka.

no images were found

Hoos ka Daawo Qaxooti gaaraya 500 oo qof oo laga ambabixyey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online