Warsaxaafadeed ay wada jir uga soo saareen UN, IGAD, EU , AMISOM doorashada 2016 ee Soomaaliya

August 3, 2015 - Written by Editor

beeshaMuqdisho, 3 Agosto 2015 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqor tooyada Midowday ee Ingiriiska, waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki Madasha Wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho. Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaar naa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah.

“Waxaan ugu hambalyaynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed shirkaan guusha ku dhamaaday. Waxaan bogaadinaynaa ballan qaadyadii lagu sameeyay Madashii Wadatashiga ee Heerkeedu Sarreeyay, (ballanqaadyadaas oo ahaa) in la helo hanaan doorasho oo hufan loona wada dhanyahay sanadka 2016, (sidoo kalena) la xoojiyo arimaha amniga, lana dardar geliyo sidii natiijo waxtar leh oo la taaban karo lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaan garwaaqsannahay muhiimadda ay leeyihiin qodabada ku jira Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015) kana hadlaya muhimada ay leedahay inaan la kordhin waqtiga uu dastuurku siinaayo hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta.

Waxaan ogsoonnahay in sanadka 2016 aysan suurto galaynin qabsoomidda hab doorasho oo caalami ah kuna dhisan “qof iyo codkiisa”, laakiin arintaan (doorashada qof iyo codkiisa ah) waa in la gaaraa wareegga kale (xilliga doorasho ee kan xigta).
Ballanqaadki la sameeyay ee ahaa in si dhakhso leh loo billaabo wadatashi qaran, laguna heshiiyo habka doorashada, sidoo kalena la billaabo wareejinta xafiiska dadweynaha waqtigi ku habboonaa ee 2016ka – ayaa ah ballanqaad soo dhoweyn mudan. Waxaa kale oo aan isku raacsannahay in habka doorashada dhacaysa 2016, kuna salaysan wadadatashi loo wada dhanyahay oo la yeelanaayo bilaha soo socda, uu ahaado mid ka horumarsan habkii doorasho ee dhacday sanadki 2012, doorashadaanina waa in ay ahaataa mid lagu gaaraayo hab doorasho oo caalami ah kuna qotama “qof iyo codkiisa”.

Waxaan mar kale xaqiijinaynaa muhiimadda ay leeyihiin tobanka (qodob) ee mabda’ ahaan hagaaya habka geedi-socodka doorashada ee 2016ka kuwaas oo laysku raacay markii la joogay Kulankii Wadatashiga ee Heerka Sare.

Waxaan ognahay in ballanqaadyo badan la sameeyay laguna heshiiyay in sanadka soo socda la fuliyo arrimo badan. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay si dhow ula socon doonaan wixii horumar ah ee laga sameeyo (arrimaha aan soo sheegnay), waxayna samayn doonaan dadaallo aad u xoogan si looga caawiyo dadka Soomaliyeed fulinta (hawlaha layska rabo ee waqtiyaysan).

(Waxaa hadda si dhakhso leh loo doonayaa aana soo dhoweynaynaa) ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa in ugu dambayn 15ka Agosto lasoo gabagabeeyo Qorshe-Hawleed tafaftiran kuna aaddan sidi wadatashi heer qaran ah looga samayn lahaa geedi-socodka doorashada 2016. (Faahfaahinta geedi-socodka aan ka hadlayno) waa inuu ahaadaa mid ku qotoma aragtiyada dhamaan dadka ay arrimuhu khuseeyaan, gaar ahaan Baarlamaan ka Federaalka iyo mas’uuliyiinta dhamaan maamul goboleedyada.

Waxaan ku guubaabinaynaa dhamaan dhinacyada (arrintu khusayso) inay si dhab ah oo degdeg ah usoo gabagabeeyaan shaqadaan kadibna ay kaalin buuxda ka qaataan habka wadatashiga qaranka.

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa ku codeynaayo sida ay uga go’antahay (inay arkaan) in si waqtiyaysan loo fuliyo ballanqaadyadi iyo heshiisyadi la galay, waxay sidoo kalena (ku celiyeen) inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan (gaarista) hadafka ah in la helo Soomaaliya oo mid ah, federaal ah oo demoqoraadi ah, dhexdeedana ka heshiisay, heshiisna la ah dunida inteeda kale. Halkaan ka eeg warsaxaafeedka

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online