Wasiir Diini oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan Ciidamadda X.D.S.[Masawiro]

August 31, 2015 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh.Cali Diini, ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah.  Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dab leeyda iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb kamid ah bixinayay.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa la hadlay Ciidanka Booliska Dableyda ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuna tilmaamay in Booliska Dableey ay yihiin Ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Soomaaliya uga imaanaya Caalamka iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay inaan dhisno ciidan leh muuqaal qaran, kana go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah dawladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa beesha Caalamka inay soo xirto tababarkaan oo soconayey mudo afar bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo soo celiya sharaftii iyo kala danbeyntii Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhiga u yihiin aas-aaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

“Waxaan u mahad-celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo, in aad ku soo biirtaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay tilmaam cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno ciidan leh tayo iyo tababar ku filan.

Maanta laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Diini ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qeybaha lagu qoray , isagoo xusay sidoo kale in looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

no images were found

Ahmed Mohamed
Ministry Of defense
—DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online